Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo goor dhow la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan jirin wax magacaabis ah oo ka soo baxay madaxtooyada oo lagu magcaabay Ra’iisul wasaaraha dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay muujiyaan degnaan, si amniga aanu qal qal loo galin kana war-dhowraan Madaxweynaha
Si kastaba ha ahaatee beeninta madaxtooyada ayaa u muuqata mid lagu dajinaayo tartamayaasha kale ee xilka Ra’iisul Wasaaraha Somalia balse xaqiiqda hoose ee ka jirta Xafiiska Madaxweynaha oo warar lagu kalsoon yahay laga helaayo ayaa sheegaaya in uusan jirin qof kale oo miiska saaran oo aan Maxamed C/laahi Farmaajo, kaliya Madaxweynuhu waxuu qancin kula jiraa maamulka Puntland oo u muuqda inuusan raali ka aheyn in laga weeciyo jagada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loona weeciyo shaqsi xurfug hoose kala dhaxeyso horeyna isu jiireen maamulka.
Sidoo kale waxaa hadal kooban jeediyey Maxamed C/hi Farmaajo oo sheegey inaanu jirin wax dicreeto madaxweyne oo soo gaartey oo lagu magacaabey, balse sheegey inaad u daneynaayo in xilkaas loo magacaabo. Taasina ay muujineyso in uu jiro rajo aad u fiican oo uu Farmaajo ka qabo in xilkaas loo magacaabo si official ah oo xaflad balaaran ay ku dhacdo magacaabistaas.
Waxii Warar ah oo ku saabsan Magacaabista Jagada Ra’iisul Wasaaraha kala soco Idale News
Idale News Muqdisho