Madaxii Shirkada SomTel ee Gobolka MUDUG ee dhanka Puntland oo kooxo hubaysan dileen

0
364

Gaalkacyo (INO) – Waxaa magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhanka ay maamusho Puntland, salaadii Maqrib kadib dabley hubeysan ay ku dileen Eng.Cumar Cabdule oo loo yaqaano (Cumar dheere) oo ahaa Maareyihii Shirkada SomTel ee gobolka Mudug, dableydii geysatey dilka ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.  Marxuumka ayaa  la dilay xilli uu ka soo baxay Masjid Salaama ee Xaafada Wadajir kaas oo uu ku tukadey salaada Maqrib.

Dilalka qorsheysan ee lagu bartilmaameysanaayo dadka ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed guud ahaan ayaa Somalia ka noqdey mid loo caal waayey,  mana jiraan maamulo iyo dowlada dhexe oo adag oo dhibaatooyinkaan iyo dilalka soo noqnoqdo wax ka qabta.

Idale News ONline, Gaalkacyo