Afgoi (INO)- Hayada Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in la dilay saraakiil sar sare oo Alshabaab ka tirsanaa kuwaasi oo xilal muhiim ah hayay.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowlada ayaa lagu sheegay in NISA ay xaqiijineyso dilka madaxii Jabhadeynta iyo Amniyaadka ee Alshabaab, kadib markii howlgal laga fuliyay Shabeelaha Hoose.
Sarkaalkaasi ayaa magaciisa lagu sheegay Suheyb balse magaciisa dhabta uu yahay Daa’uud, sida ay sheegtay hayada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya “NISA”.
Dilka sarkaalkaasi ahaa madaxii amniyaadka iyo jabhadeynta Alshabaab ayaa la sheegay inuu dhacay kadib markii howlgalka laga sameeyay deegaanka Kuunyo-barow ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgalka ayaa la sheegay iney si wadajir ah u sameeyeen ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.
NISA waxa ay sheegtay in howlgalkaan oo ahaa mid gaar ah lagu dilay horjooge Suheyb oo magaciisa dhabta ah uu yahay Daauud, wuxuuna madax ka ahaa qaybaha Jabhadaha iyo Amniyaadka ee Al-shabaab.
Idale News Online, Afgooye