Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu tacsiyeeyay eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaddiintii ku geeriyooday duufaanihii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha Puntland.
Madaxweynahu waxuu u diray baaq deg-deg ah beesha caalamka, isagoo caalamka ugu baaqay inuu gurmad deg-deg ah la soo gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaaanta Cyclone oo dad badani ku geeriyoodeen, kumanaan qofna ay hoy la’aan soo food saartay, isla markaana xoolihii saameeyey.
Ra’iisal Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay dabaylaha roobka wata ee ‘cyclone’ ee ka dhacay xeebaha maamul goboleedka Puntland.
Mudane Saaci ayaa u tacsiyeeyay qoysaskii ku waayay eheladooda iyo dhamaan intii waxyeeladu ka soo gaartay duufaanta.
Waxaa isna sidoo kale dhankiisa ka hadlay duufaantan gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar, isagoo shacbiga Soomaaliyeed ee wax heysta iyo dalalka caalamkaba ugu baaqay iney gurmad deg deg ah u fidiyaan shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Bari iyo Nugaal ee dalka, kuwaasi oo ay saameysay duufaanta Cyclone.
Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka inay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan shacbiga ay saameysay duufaantan, gawaari gurmad u sida dadyowga waxyeeladu kasoo gaartay duufaanta ayaanay u suuro gelin gaarsiinta gargaarka biyo fadhiyo deegaano u dhow awgeed.
Roobab mahiigaan ah oo watey duufaan ama dabeylo xowli aad ah ku socda ayaa ka dhacey degmooyin iyo tuulooyin hoos taga gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari, Sanaag kuwaasoo dhibaato maal iyo mid nafeedba gaarsiisey duunyadii halkaas ku dhaqneyd. Maamulka Puntland ee Madaxweyne Faroole ayaa si deg deg ah kulamo ula yeeshey hay’ada gargaarka ee maamulkaas ka howlgala si ay maamulkooda gacan looga siiyo la tacaalida dhibaatada ba’an ee soo food saartey deegaano badan oo maamulkooda ka tirsan.
Idale News ONline