Madaxda ugu sareysa Dowladda iyo ku dhawaad ilaa 18-safiir ka socda Midowga Yurub oo kulan uga socdo Xalane

0
160

4545453343

Wararka naga soo gaaraya dhanka Dowladda ayaa sheegaya in Ammaanka inta u dhexeysa Madaxtooyadda iyo Xalane aad la adkeeyay kadib markii Madaxweyne Xassan la sheegay inuu ku wajahan yahay Xeradda Xalane.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu socdaal ku tagi doono xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho iyadoona la sheegay inuu halkaasi kulan kula qaadan doono Safiiro ka socda Midowga Yurub.

Kulanka oo hada ka socda xarunta xalane wariyeyaasha ay banaanka ka joogaan ayaa wuxuu hada si toos ah udhexmaraya safiiro gaaraya ilaa 18-safiir oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha guddiga siyaasada iyo amniga ee Midowga Yurub.

Kama soo bixin Faahfaahin dhameystiran, waxaana banaanka lagu celiyay Wariyayaasha, iyadoona Ammaanka uu yahya mid aad u adag.

Madaxweynaha Soomaaliya kulankiisa waxaa ku wehliya Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka gaashaandhiga.

Ugu dambeyntii, Midowga Yurub ayaa Soomaaliya wuxuu ka taageera dib udhiska ciidanka xooga dalka iyo horumarada kale ee Dowladda ay haminayso.

Idale News Muqdisho