Madaxda Kenya oo ay ka dhex tafan tahay iyo arrinta Soomaalida oo si aad la isugu hayo

0
211

Nairobi(INO)-Golaha Senatarada Kenya, ayaa waxay ka horyimaadeen in si khasab ah lagu celiyo qaxootiga Somaliyeed, ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Afhayeenka Golaha Sanetarada Kenya Ekwe Ethuro, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inaanan si xoog ah lagu celin dooni qaxootiga Somaliyeed ee xeryaha Dhadhaab ku nool.

“Kenya xoog kuma celin doonto qaxootiga Somalida ah ee dalkeena ku nool. Kenya kama horimaan doonto sharuucda caalamka kaga degsan qaxootiga.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Kenya ay Qaramada Midoobe kala shaqayn doonto, sidii si iskood ah ay ugu laaban lahaayen qaxootiga, wuxuuna meesha ka saaray in wax sharciga ka baxsan loo adeegsan doono qaxootiga.

“Kenya waxay Qaramada Midoobe kala shaqeyneysaa sidii qaxootiga si iskood ah ugu laaban lahaayen dalkooda, iyadoo aanu jujuub jiri doonin.” Ayuu yiri Ekwe Ethuro.

Ekwe Ethuro oo ka soo muuqday Warbaahinta, ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii ay Shabaabku ka geysteen Jaamacadda Magaalada Garissa, oo lagu dilay 148 ruux, oo arday u badneyd.

William Ruto, Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya, ayaa Sabtidii sheegay in Kenya ay xoog ku celin doonto qaxootiga, haddii muddo saddex bilood ah aynaan Qaramada Midoobe kaga rarin xeryaha Dhadhaab.

IdaleNews Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here