Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ka hadlay qarax uu sheegay ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ay fashiliyeen.
Qaraxaan oo Madaxweynaha uu sheegay in la doonaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Somaliyed, ayaa Madaxweyne Xasan wuxuu tilmaamay ciidamada ammaanka Dowladda inay ka hortageen.
Wuxuu ku faanay ciidanka inay u taagan yihiin ka hortagga qaraxyada Shabaab ay maleegayaan ee ay doonayaan inay shacabka Somaliyed ku laayaan.
“Ciidamada ammaanka waxa ay habeen u dhaceen meel lagu diyaariyay qaraxyo oo dadka shacabka ah la doonaayay in lagu dhibaateeyo, Shabaab waxa ay rabeen qaraxyo inay umaddaan ku laayaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo xalay ka hadlaayay xaflad uu kaga qaybgalay xarunta Gobolka Banaadir.
Isaga oo hadalka sii wata ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay ciidamada Dowladda inay fashilin doonaan qaraxyo kale oo Shabaabka ay qorsheynayaan, isaga oo tilmaamay heeganka ciidanka inuu yahay mid sare.
Ciidamada NISA, ayaa habeen hore suuqa Bakaaraha, waxa ay ka soo qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada NISA, gaarigaasi oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Somaliyed.
Hadalka Madaxweynaha wuxuu ku soo aadayaa maalin ka hor markii Muqdisho uu isku qarxiyay Xildhibaan Ex-Saalax Badbaado.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay