Madaxda sare Ee Maamulka 3da KG soomaaliya oo Digniin u Direy Odayasha& Siyaasiyiinta Ku shirsan Xarunta ADC in Aaney Carqaladeyn , Geediga Nabada iyo Isu soo Dhawaanshaha Maamulada KG soomaaliya.

0
213

Muqdisho:  Magaalada, Muqdisho , waxa ka socodo wahadalo u dhexeeya labada maamul ee KG soomaaliya 3&6 Gobol, iyo dadaalo ku aadan sidi loo heli lahaa nabad waarto, oo ka hana qaada Guud ahaan soomaaliya Gaar ahaan Gobolada koonfur galbeed soomaaliya.

Wadahadalkan oo bilaabadey mudo ku dhwaada labo todobaad , ayaa waxa dhanka maamulka Lixda gobol ugu qiib galayaa Cabdi fatax ibraahim Geesey iyo Shiino macalin, kuwaasoo sameeyey tanaasul, ka dib wadahadalo qaatey dhoor saacadoodo badan  oo ka dhacey xafiiska RW Cabdi weli iyadoona Wahadalkaasi Goob joog ahaa Amison, safiirka itoobiya ee Soomaaliya iyo RW cabdi weli.

Wadahadalkaasi waxa la isku afgartey in la dhameystiro Dowlad goboleedka 3da gobol ,in sameeyo gudi farsamo oo ka shaqeeynayo isku dabaridka Howlaha  Guud Ee KG soomaaliya Iy0 in dhawaan si rasmi ah loo shaacin arintaasi.

Hadaba, waxa magaalada Baydhabo Ee Xarunta GobolkaBay  ku shirsan mudo 4 cesho siyaasiyiin  iyo odayaasha Horboodayo  Maamulka Lixda Gobol kuwaasoo, sheegey in iyagu marnaba raali ka ahayn siyaasada isbedeley KG soomaaliya.

Sidoo kale Odayasha ku shirsan Baydhabo Janaay waxay ugu baaqeen wasiirada, xildhibaanada iyo siyaasiyiint kale ee Taagyeera maamulka lixda Gobol inay si deg deg ahi ku  yimaadaan baydhabo taasoo, sida ay u muuqato oo ah mid ku timi caro.

Waxaana la sheegey in shirkaasi maanta inuu ka soo baxo sida la filayo qodobo  xaasaasi Ah.  odayaasha Lixda gobo Waxay anaan kuluul u direen Geesey & Shiino Macalin Nuunow isla markaana waxa  la dareemi karaa in arintu weli ayagu far ugu taagan tahay.

Maxdaxweyen Ku xigeen Maamulka Koonfur galbeed soomaaliya  Md Maxamed Xasan Fiqi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wadahadalkaasi dhexmarayo, labadan garab, sidoo kale, wuxu digiin u direy odayaasha iyo madaxda lixda Gobol in aan hor dhicin natiijada ka soo baxdo shirka Magaalada Muqdisho.

Si Kastaba ahaatee, Arintan wadahadalka ah ayaa imaaneysa  xilli dhawaan maamulka Lixda gobol ee Madoobe Nuunow    uu Hogaamiyo Jab xoogan ka soo gaartey dhan diplomaasiyada , ka dib markii uu aqoonsi ka waayeen DF soomaaliya, Iyo Qaramad  Midoobey.

kg

Idale news Online, Baydhabo.