Madasha Qaranka oo lagu eedeeyay inay doonayso inay dastuurka ka saarto Qodobka 72aad

0
181

Muqdisho(INO)-Hoggaamiyeyaasha Madasha Qaranka ayaa lagu eedeeyay inay doonayaan inay dastuurka ka saaraan Qodobka 72aad si kuraas loogu kordhiyo Aqalka Sare.

Arinkaa ayaa la sheegay inay go’aansadeen kadib shirar badan oo ay dhawaan ku yeesheen caasimada Muqdisho. Haatan ayaa eedo loo soo jeedinayaa Madasha Qaranka kuwaasoo ah in ay doonayaan inay burburiyaan qodobo dastuurka ka tirsan oo uu ku jiro Qodobka 72aad.

Si kastaba ha ahaatee waxaa arinkaa gaashaanka u daruuray oo beeniyay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo madashaqa qaranka ka tirsan ahna madaxweynaha Koofur-galbeed.

‘Mar walba dastuurkaa na hago; mar walbo dastuurkaan u hoggaansamaynaa.Shakhsiyaat ka fakaraaya kuraastii ay waayeen ayaa hadlaaya’. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidaa yiri.

Lixdii bilood ee lasoo dhaafay ayay soo shaqeyneysay Madasha Qaranka.