Madaafiic Xoogan oo Xaley lagu garaacay Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose

0
296

Leego (INO)—Madaafiicdan oo ah kuwa aad u xoogan ayaa Xaley lagu soo waramayaa in lagu garaacay Degaanka Leego iyo Tuulooyin hoostaga oo ka wada tirsan ee Gobolka Sh.Hoose.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta, Guddoomiyaha Degaanka Leego, Abuukar Al Cadaalla ayaa sheegay in Duqeyntaasi ay ku socoto Degaanka, waxuuna sidoo kale qeexay in aysan ogeyn halka laga soo tuurayo Madaafiicdaasi.

Guddoomiyaha Degaanka Leego, Abuukar Al Cadaalla oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in xilliyada Habeenkii ay ku soo bateen Degaanka Duqeynta nuucan oo kale.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta eek a dhashay Madaafiicdan maadaama weli Duqeynta ay ka socoto qeybo ka mid ah Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.

Idale News Online, Leego

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here