Muqdisho (INO)—Qaraxyo sil-silado ah ayaa fiidnimadii Xalay waxey ku dhaceen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, sida xaafado ka tirsan Degmooyinka Warta-Nabadda, Hodan iyo Deyniile, waxaana xusid mudan in Qaraxyada badankooda ay ku dhaceen nawaaxiga Wasaarada Gaashaandhiga ee Degmada Hodan.
Darawal ka badbaaday madaafiicdii Xalay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in duqeyntaasi ay saameysay gaarigii uu watay.
Dhinaca kale, mid ka mid ah hoobiyeyaashaasi oo ku dhacay Nawaaxiga Wasaarada Gaashaandhiga ayaa waxaa ku dhintay 1 Ruux halka labo kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii uu haleelay Mooto ay la socdeen Gabar iyo Hooyadeed halkaasina ay ku dhimatay Gabadha islamarkaana ay ku dhaawacmeen Hooyadii iyo Wadihii Mootadaasi.
Geesta kale Afhayeenka Wasaarada Amniga, Cabdi Kaamil Macalin Shukri oo la hadlay Warbaahinta ayaa Madafiicdii Xalay ku dhaceyso qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ku tilmaamay baaruud aan waxba Dadka u dhimeyn.
Cabdi Kaamil Macalin Shukri ayaa sidoo kale tilmaamay in Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ay Ciidamada amaanka ku qabteen Degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir, isagoona qeexay in talaabadaasi ay muujineyso sugida amaanka Caasimada.
Weli ma jiro cid sheegatay mas’uuliyada madaafiicdii Xalay lagu gaaracay Degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay