Madaafiic hoobiyaal ah oo loo qeybiyey ilaa 8 degmo oo magaalada Muqdisho ah

0
185

Xarunta dowlada Federaalka ee Soomaaliya ee magaalada Magaalada ayaa caawa fiidkii mar qura degmooyinka Wardhiigley, Boondheere, Xamarweyne, Xamar Jajab, Hodan, Wadajir, Dharkenley iyo Yaaqshiid ku soo hoobteen tiro hoobiyaal ah kuwaasoo intooda badan ay ku dhaceen agagaarka & gudaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo dhismayaal ay dadka leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiic dhowr ah ay ku dhacday qeybo ka mid ah xamar weyne iyo Xamar Jajab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Xamar Weyne ayaa u sheegay Idale News Online inuu maqlay ilaa 7 madfac hoobiye oo is xigay waxaana mid ka mid ah uu ku dhacay suuqa qudaarta Xamar weyne.

Madaafiic kale ayaa iyana ku soo dhacay agagaarka Zoope iyo meelo ku dhow KM4, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ay geysanayaan.

Mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacday Xarunta Bisha Cas ee nawaaxiga KM5 sida dad degan agagaarkaas ay inoo xaqiijiyeen.

Madaafiicdan lagu soo garaacay magaalada Muqdisho xilli fiid ah ayay dad badan soo xusuusisay dagaaladii iyo duqeymihii sanado ka hor ka dhici jiray magaalada.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaadey hoobiyaha degmada Xamarweyne oo careysan ayaa yiri isagoo ka jawaabayey hadal uu saakey jeediyey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed dhanka amniga magaalada Muqdisho:
LA SAMEYN DOONO ,LA YEELI DOONO, NAGA GO’AN, SANADKA SOO SOCDA, BILAHA SOO SOCDA, YAABAYE WALLAAHI MADAXDAAN MA YAX YAXAAN OO SARRIIG MA LEH OO KAMA XISHOODAAN XITAA ERAYADA MASUULKII KA HOREEYAY KU FASHILMAY EE DHAGAHA DADKA CAJISKA GALINAYA ISTICMAALKOODA LAAKIIN RA’IISUL WASAARE ABDIWALI LA IMOW ISBADALKA AAD SHEEGEYSO, U MALAYN MAAYO HAL SANO ALSHAYDAAN, IYO AL QABYAALA, IYO AL MORYAAN,IYO AL XAARAAN KU NAAX IYO, AL MUSUQ MAASUQ INAAD KU NADIIFIN DOONTO, TAASI WAA HAWL ADAG CIDKASTAANA GARANAYSO

Madaafiicdaan ayaa waxay ku soo aadeysaa xili Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in kooxaha diidan dowlada in ay ka saari doonaan gobolada iyo degmooyinka dalka, hase ahaatee waxaa muuqata in dowladu ay u taag la’ dahay xasilinta amniga xarunta dowlada oo habeeno badan lala tiigsadey madaafiic hoobiyaasha ah.
explosionInHome

Idale News Online, Mogadishu