Madaafiic caawa lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho

0
267

Muqdisho(INO)-Tiro madaafiic ah, ayaa waxaa caawa lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ee ku lee dahay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Xarunta madaafiicda lagu tuuray oo ku taala Jidka Warshadaha, ayaa lagu ganay madaafiic ka badan afar xabo, oo si weyn looga maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Laba ka mid ah madaafiicda, ayaa ku soo dhacay hareeraha Wasaaradda Gaashaadhiga, iyadoo mid ka mid ah uu ku dhacay meel ku dhow goob ay kubad ku ciyaarayen dhalinyaro, waxaana la tilmaamay in hal wiil uu ku dhaawacmay.

Madfac kale, ayaa ku soo dhacay halka loo yaqaano Oodweyne, oo kaabiga ku haysa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana ku geeriyootay haweeney da’ ahayd.

Ciidanka Xooga Dalka

Ciidamada Dowladda, ayaa caawa si weyn loogu arkayaa wadooyinka soo gala Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana halkaasi laga dareemayaa in si weyn ay ammaanka u xoojiyeen.

Madaafiicdan, ayaa ku soo aadaya, xilli maalinta berrito ah lagu wado in Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga lagu qabto musaabadda 12-ka April, oo ku beegan maalintii la aas aasay Ciidanka Xooga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axada la fillayaa inuu Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kaga qaybgalo munaasaadda 12-ka April.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here