Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xaalado macluul iyo abaaro ba’an kuwaasoo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.
Guddoomiyaha gobalka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo ku sugan Garbahaareey ayaa VOA-da u sheegay in ay jiraan abaaro ba’an oo ka taagan qeybo ka mid ah degmooyinka gobalka.
Wuxuu sheegay in meelaha qaar ay dadka bilaabeen in ay gaajo u dhintaan markii ay waayeen wax ay cunaan ama cunaan.
Mar uu ka hadlaayay degmooyinka ugu daran, wuxuu tilmaamay in degmooyinkaas ay ka mid yihiin Buurdhuubo oo dhawaan Shabaab laga qabsaday iyo Baardheere oo ay Shabaab weli gacanta ku hayaan.
Kaliil ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay in ay gargaar la soo gaarto dadka ku gaajoonaya gobalka.
Wuxuu kaloo sheegay in aysan ogeyn sababaha gargaar loo gaarsiiyay degmooyinka ka dambeeyay Buurdhoobo oo Shabaab laga qabsaday isla markaana weli aan wax gargaar la keenin Buudhuubo.
Sidoo kale guddoomiyaha gobalka Gedo wuxuu carabka ku balbalaariyay in Shabaab ay go’doomiyeen shacabka ku nool goobaha laga qabsaday oo wax cunto aanu soo galin muddo badan.
Ugu dambeen wuxuu xusay in meelaha qaar roobabkii la filaayay in ay ka da’aan la waayay, taasna ay sababtay in xoolo badan ay u geeriyoodaan abaarta ka taagan gobalka Gedo.
Idale News Online, Gedo.