Koox Hubeeysan ayaa Xalay Xaafada Israac Ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ku Dilay Macalin Iskool oo u dhashay Dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Ragii Dilka geeystay ay goobta ka baxsadeen,ayadoona Durbadiiba Ciidamada Amaanka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ay goobta soo gaareen.
Ciidamada ayaa Gacanta ku dhigay ilaa 4 Qof oo dhacdadaasi lala Xariirinayo islamarkaana uu ku jiro Wiil Arday ka ahaa Iskuulka uu dhigayey Macalinka Kenya u dhashay.
Waxaa uu Dilkaan imaanayaa Xili Amaanka Deeganada Maamulka Puntland uu mudooyinkaan ahaa mid Faraha ka baxay ka gadaal markii ay ku soo bateen Qaraxyo iyo Dilala Qorsheysan.
Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland wali wax war ah kama soo saarin Dilka Xalay loo geeystay Macalinka u dhashay Dalka Kenya.
Idale News Online – Galkacyo.