Maanta Oo Caalamka Looga Dabaal Degayo Maalinta Raadiyaha Aduunka

0
300

Muqdisho(INO)-Qaramada Midoobey iyo Caalmakaba waxa ay February 13, 2015 u dabaal-dagayaan sanad guuradii afaraad ee Maalinta Raadiyaha Aduunka.

February 13 waa maalinta Raadiyaha, Waa maalin dunida xusto sida raadiyaha uga qeyb qaato Waxbarista dadka, War sheeg iyo Madadaalintooda.

RADIO WARASN

Waxaan u dabaaldageynaa “World Radio Day” oo ah maalinta Raadiyaha Aduunka, waxaan isweydiin doonaa Baahida Raadiyaha iyo taariiqdiisa, inagoo xooga saari doona Radiyaha iyo Soomaaliya.

Maalinta Raadiyaha waxaa la qabtaa sanadkiiba mar, Qaramada Midoobey oo maalintan asteeysay ayaa ugu talo-gashay in la dhiirigaliyo ahmiyadda Raadiyaha.

Maalinta Raadiyaha Aduunka oo Qaramada Midoobey ay ku dhawaaqday in loo dabaal-dago sanadkii 2011-kii ayaa sanadka waxaa astaan looga dhigay “Dhalinyarada iyo Raadiyaha” oo ujeedada tahay in saameynta uu raadiyaha ku leeyahay da’da ka yar 30 sano.

Guglielmo Marconi oo aabaha iyo qofkii sameeyay raadiyaha ayaa ku guuleystay mudo kooban 1901-dii wixii ka dambeeyay in uu sameeyo Mowjado meel dheer laga maqlo isagoo arinkaas ku helay1909-kii abaalmarinta Nobel-ka dhanka physics, ugu dambeyntiina 1910-kii waxaa qalabkiisa loo bixiyay magaca Radio.

Soomaaliya waxaa uu Radio soo gaaray 1943-dii, xiligaas oo markii ugu horeysay la maqlay Radio Hargeisa, Radio Muqdishu ayaa xigay 1951-dii, Soomaaliya ayaa xiligaas ku jirtay gacanta Gumeystaha Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Laanta Soomliga ee BBC-du waxa ay shaqadeeda bilawdey 18-kii Luuliyo, 1957-kii, waxana lagu bilaabey in ay hadasho toddobaadkiiba laba jeer oo min 15 daqiiqo ah, hase ahaatee, si isdabajoog ah ayaa marba loo kordhinayey muddada idaacadda ilaa ugu dambeyntii bishii Sebtember 1958-kii laga dhigey 15-kii daqiiqo ee idaacadda maalin walba.

Hadda waxaa BBC-da la dhageystaa afar jeer, Wariyaal ayaa u jooga Mugdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo Kismaayo, waxay tartan adag kula jirta FM-yada dalka.

Loolan adag ayaa ka dhaxeeyay Radio Muqdishu iyo BBC-da, iyadoo tan dambe ay aad u shaqaaleyn jirtay Wariyaasha ugu wanaagsan Radio Muqdishu si dhageystayaal u hesho.

Waxaa kaloo dardar ku socota Idaacadda Mareykanka laga leeyahay ee VOA-da, Xiligan waxaa u shaqeeya wariyaal laga yaqaano geeska Afrika, iyadana waxay tartan kula jirtaa BBC-da ingiriika laga leeyahay oo dhan ah iyo Warbaahinta Soomaalida oo dhanka kale ah.

Soomaaliya, Kaalinta raadiyaha waxaa ka faa’ideystay dolwaddii Maxamed Siyaad Barre iyadoo u adeegsatay wado walba oo shacabka ku hano karto sida Warar, Heeso, Riwaayado iyo dhamaan adeegyada raadiyaha.

Xiligii dagaalada Sokeeye, Raadiyaha waxaa uu ahaa aalad aad u saameyn badan oo inta badan si qaldan loo adeegsaday, iyadoo hogaamiye kooxeed walba uu lahaa Idaacad afkiisa ku hadasha, waxaa ay sidoo kale idaacadaha qeyb ka noqdeen dagaaladii Sokeeye.

Wajiga Sedexaad ee Radiyaha Soomaaliya waxaa uu galay markii ay soo baxeen idaacadaha sida gaarka loo leeyahay wixii ka dambeeyay 1998-dii, iyadoo lagu guuleysay in shacabka cod ku yeeshaan siyaasadda iyo Nabadda dalka.

Soomaaliya wali Raadiyaha waxaa uu leeyahay Dhageystayaal badan oo ku xiran, in kastoo laga yaabaa in dhageystayaal badan uu Raadiyaha waayey markii ay soo baxeden TV-yada, Internet-ka iyo Mobilada.

 

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here