Maanta oo bisha Carrafo kow ay tahay iyo xajka oo looga diyaar garoobayo meelo badan oo caalamka ah

0
195

Makka(INO)-Maanta ayaa waxay ku beegan tahay 1da bisha barakeysan ee Carrafo oo ah bisha waajibka xajka la guto.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay Muslimiin badan ku nool yihiin waxaa jira diyaar garow arinkaa muhiimka ah loogu jiro. Meelo badan oo Soomaaliya ah iyo qeybo kale oo ka tirsan mandaqada Soomaaliya gaar ahaan gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa diyaargarowgu ka socdaa oo aad looga dareemayaa xiisaha loo qabo waajibaadkaa diiniga ah.

Xajka ayaa waajib ku ah Muslimiinta qofkii awooda hal mar nolosha oo dhan ugu yaraan.

Bishaan Dulxijah ayaa waxaa la filaayaa inay Muslimiin dhan dhowr milyan ay tagaan magaalada barakeysan ee Makka ayna soo gutaan xajka.

Barashada hannaanka gudashada xajka ayaa ka socda meelo badan oo caalamka ah sida Soomaaliya iyo qeybo ka tirsan Kenya.

Xajka ayaa qofkii Alle xajkiisa uu karaali noqdo waxaa diinta Islaamka kuxusan inuu soo laabanaayo asagoo danuubtii laga meyray oo aan dambi lahayn sidii markii hooyadii dhashay oo kale.

Xajka ayaa si loo aqbalo waxaa shardi ah ama sharuudihiisa ku jira in qofku ku xajiyo xoolo xalaal ah ama kasab xalaal ah riyaa iyo istustusna laga dhawro oo Alle dartii qofku u xajiyo.