Dhageyso: Maamulka Xudur oo beeniyay in Ciidamada Itoobiya ay Dad shacab ah ku Dileen Degmadaas

0
194

Xudur (INO)—Guddoomiyaha maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Maxamed Macalin ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ay Dad shacab ah ku Dileen Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Maxamed Macalin, Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo la hadlay  Idale News Online Ee Mgaalada Baydhabo ayaa been abur ku tilmaamay Wararka la xiriira Dilka la sheegayo in ay Degmada Xudur ka geysteen Ciidamada Itoobiya.

Dhinaca kale, Guddoomiye Maxamed Macalin ayaa sheegay howlgallo ballaaran oo laga sameeyay Degmada Xudur in lagu soo qab qabtay ku dhawaad 10 Ruux oo lala xiriirinayo ka mid ahaanshaha Ururka Al Shabaab.

Waxuu Maxamed Macalin sheegay in haatan Dadkaasi ay ku socdaan baaritaano kala duwan hadii dambi lagu waayaana la iska fasaxi doono, sida uu hadalka u dhigay.

Xubno ka tirsan Ururka Al Shabab ayaa weli gacanta ku haya Degaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaliya.

Ugu dambeyn, Degaano iyo Degmooyinka ka tirsan Gobolka Bakool ayaa waxaa ka socda howlgallo kala duwan oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku doonayaan sidii halkaasi ay uga saari la haayeen Ururka Al Shabaab.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here