Maamulka Somaliland oo madax-xanuun ka qaaday Haddal kasoo yeeray Dowladda Mareykanka.

0
183

hgghghfghhg

Dawladda Maraykanka ayaa ka hadashay heshiiska dhinaca Hawada ah ee dhawaan dalka Turkiga ku dhexmaray Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland, isla markaana waxay dawladda Maraykanku ku amaantay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka hawlgalay sidii uu ula shaqayn lahaa wax ay ugu yeeren Maamul goboleedyada oo ay Somaliland ku jirto.
Sidaana waxa lagu sheegay warbixin qoraal ah oo laga soo saaray hadal ay ka horjeedisay guddi hoosaadka Congress-ka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Debada, Haweenayda ku xigeenka ka ah xafiiska Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Debada ee Maraykanka. Linda Thomas-Greenfield.

Waxaanay haweenaydani iyada oo ka hadlaysa arrintaasi tiri ‘’Waxaanu aragnaa calaamad wanaagsan oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhaqaaqay oo ah la shaqaynta maamul goboleedyada. Sida heshiiskii Jubbaland ee 22-kii August ay dawladda Federaalku gashay ee ay ku aqoonsatay maamul goboleedkaasi iyo khariidad u dejinta in maamulkaasi noqdo maamul goboleed ku jira federaalka iyo qorshaha wada loo marayo in doorashooyin laga qabto dalka Somalia sannadka 2016 oo ay ku jirto in la h elo hanaan siyaasadda iyo amniga ah. Iyo weliba Muqdiho iyo Somaliland oo ku heshiiyay habka maamulka hawadda, taasi oo ah talaabo xagga dib u heshiisiinta loo qaaday”. Ayay tiri Linda.

Waxaa kale oo ay haweenaydani sheegtay in dawladda Maraykanku aanay ka tanaasulin siyaasadda dawladda Maraykanku kula dhaqanto Soomaalida ee ah xiriirka isbarbarsocda amaba cid walba gaarkeeda loola xiriiraayo. Waxaanay iyada oo arrintaasi ka hadlaysa tir

“Siyaasadda Maraykanka ee Somalia tan iyo intii ka dambaysay markii aanu aqoonsanay dawladda federaalka Somalia, waxay ku salaysan tahay saddex arrimood oo kala ah inaanu taageerno ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Somalia iyo gaashaanbuurteeda Itoobiya ee la dagaalanka alshabaab. In aanu ka jawaabno arrimaha bani’aadminimada isla markaana aanu ka qayb qaadano meel kasta oo suurto gal ah. Iyo weliba in aanu dhiirigelino siyaasadda xidhiidhka isbarbar socda”.

Hase yeeshee, Haweenaydani oo sii sharaxaysa waxa ay ula jeedo siyaasadda xiriirka isbarbar socda ee ay Soomaalida la yeelanayso dawladeedu waxay tiri.

“Qodobka saddexaad waa siyaasadda xidhiidhka isbarbar socda, kaasi oo lagu soo gebagabeeyay nabadii Djibouti iyo aqoonsiga dawladda federaalka Somalia. Dawladda Maraykanku waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in la gaadho isla markaana xidhiidh lala yeesho maamulada gobolada si loo sameeyo hanaan federal oo ay ku wada shaqeeyaan. Waanu sii wadi doonaa taageeradda aanu ka geysano arrimaha bani’aadminimada iyo ururada bulshada ee Somaliland iyo Puntland, taasi oo ujeedada aanu ka leenahay tahay sidii loo horumarin lahaa wada shaqayn la xidhiidha xagga federaalka.”

Idale News Muqdisho