Maamulka Puntland oo war adag kasoo saaray qabsashada Degamadda Taleex Ee Gobolka Sool.

0
182

Maamulka Puntland ayaa war adag kasoo saaray qabsashada ay Ciidamada S/land maanta qabsadeen Magaalada Taleex.

Shir ay maanta yeeshen golaha wasiirrada dowladda Puntland ayaa waxaa looga hadley dan-daansiga ciidamada maamulka Soomaaliland ee sida qarsoodiga ah ku soo galaya deegaanno ka tirsan gobollada xadduudka ku yaalla ee Puntland.

Qoraalka ka soo baxey shirka golaha wasiirrada dowladda Puntland oo u ku saxiixna afhayeenka dowladda,C/laahi Mohamed Jamac Qur’aan jecel ayaa loga hadley qorsha Puntland ee kaga aadan xad-gudubka Soomaaliland ee deegaannada Puntland.

Shaqan qodob oo shirka ka soo baxey hoos ka akhriso:-

1, Waxay dawladda puntland la socod siineysaa beesha caalamka in maamulka soomaaliland uu duulaan qaawan ku soo qaadey 10 june, 2014 degmooyinka taleex iyo xingalool oo ka tirsan dhulka puntland

2 ,Duulaankaas gardarada ah wuxuu sababay barakac baahsan oo ka socda deegaamadaas ,

3, Dawladda puntland waxay mar kale u caddeynaysaa ummadda soomaaliyed,dawladaha dariska ah , iyo beesha caalamka in maamulka soomaaliland mar kasta oo ay duulaan kusoo qaadaan dhulka puntland ay weheliyaan howgalo ay ku taageerayaan ururka al shaab ee argagixisada ah si ay uga fuliyaan gudaha puntland falal argagiso

4, Ugu danbeyn dawladda puntland waxay diyaar u tahay iyadoo fulineysa waajibaadka dastuuriga ah in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda

5, Waxay kale oo ay dawladda puntland u direysaa baaq nabadgalyo iyo in la joojiyo colaadaha ku soo noqnodey gobolka shabeelada hoose ,iyo kuwo ka soo cusboonaadey gobolka galguduud in lagu dhameeyo colaadahaas wado hadal.

Af-hayeenka Madaxtooyada
C/laahi Mohamed Jamac Qur’aan jecel.

xaflandPuntland

Idale News Online, Garawe