Gorawe(INO)-Madaxweynaha maamulka Puntland oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in la qaban doono shirweyne Qaran oo la isugu keenayo dhinacyada is diidan ee Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in shirkaan uu dhici doono bisha January 20 ilaa iyo 30,waxaan uu ka dhici doona shirka magaalada Boosooso ee xarunta gobolka Bari.
Wuxuu sheegay Mr in shirkaan uu yahay mid muhiim ah,islamarkaana loo baahan yahay in la isugu keeno dhinacyada isdiidan ee Puntland si loo dhameeyo wixii khilaaf iyo muran Shacabka iyo siyaasiinta Puntland dhexyaala.
Inkastoo deegaanada maamulka Puntland uu yahay mid xasiloon ayaa hadana waxaa mararka qaar ka dhaca khilaadyo u dhaxeeya qeybaha bulshada.
Idale News Online, Garowe