Maamulka Puntland oo baaritaan ku haya Meydad laga helay Duleedka Magaalada Gaalkacyo

0
370

Gaalkacyo (INO)—Guddoomiye ku xigeenka ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa waxuu u sheegay in baaritaano ay ku hayaan ciddii ka dambaysay dilka labo ruux oo maydkooda laga helay Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Labada ruux ee Meydkooda laga helay Duleedka Gaalkacyo ayaa lagu sheegay Muwaadin ka soo jeeda Dalka Itoobiya, isagoona laga ka xeystay Waqooyga Magaalada Gaalkacyo,

Guddoomiye ku xigeenka ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in talaabadan ay tahay mid aan looga baran Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu intaasi ku daray in ay cadaalada u horkeeni doonann ciddii lagu helo ka dambeynta Dilkaasi.

Ugu dambeyntii,Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga Cidda ka dambeysa Dilkaasi, iyadoona xusid mudan in  Maamulkka Puntland ay hore u musaafiriyeen dad ka soo jeeda Dalka Itoobiya oo la sheegay inay ka qeyb galeen abaabulka tahriibka oo laga mamnuucay Degaanada Maamulka Puntland.

Idale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here