Maamulka Puntland Oo Amrey In La Xiro Xafiisyada Telefishinka Qaranka Ee Puntland

0
201

Bosaso(INO) —Maamulka Puntland ayaa amray in la xiro dhammaan xafiisyada Telefishinka Qaranka (SNTV) uu ku leeyahay Puntland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo uu ku saxiixan yahay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero, ayaa lagu sheegay in sababta telefishinka loo xiray tahay kadib markii uu labo maalmood kahor baahiyey war been abuur ah oo ku saabsan qaabka Puntland ugu gurmatey qaxootiga kasoo qaxaya dalka Yemen.

Wakiillada Telefishinka Qaranka ee magaalooyinka Garowe iyo Bosaso, Cabdi Xasan Awoowe iyo Axmed Naasir ayaa warbaahinta u sheegay in lagu soo wargeliyey inaysan shaqeyn karin ilaa amar dambe.

Ururka Saxafiyiinta Puntland MAP ayaa cambaareeyey tallaabada dowladdu ku xirtey xafiisyada SNTV, wuxuuna dowladda ugu baaqay inay arrintan sida ugu dhaqsaha badan dib u eegis ugu sameyso.


AQRISO AMARKA LAGU XIREY TELEFISHINKA

Idale News Online, Bosaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here