Maamulka Jubba Oo Soo Dhoweeyay Qabashadii Degmada Baardheere

0
241

Kismaayo(INO)— Maamulka Jubba ayaa soo dhoweeyay qabashadii degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo shalay laga saaray Al-Shabaab oo muddo 7 sano ah maamulayay.

fartaag

Madaxweyne kuxigeenka Jubba C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in Baardheere ay tahay magaalo istiraatiiji ah, isla markaana lagu qabtay qorshe aad looga soo baaraan-degay.

“Qabashada Baardheere waxay noo tahay muhiimad gaar ah, nimanka cadawga ee mudada todobada sano gacanta ku hayay waa laga saaray, waxaa haatan ka wadnaa sifeyn”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Jubba.

Sidoo kale waxaa uu xusay in magaalada ay haatan tahay xor, isagoo ugu baaqay shacabka inay soo dhoweeyaan ciidamada, lana shaqeeyaan.

Madaxweyne kuxigeenka Jubba ayaa sheegay in ciidamada ay ku wajahan yihiin deegaano badan, isla markaana qorshaha yahay in laga saaro sida uu yiri.

Ciidamada huwanta ayaa shalay duhurkii la wareegay Baardheere, kadib dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay duleedyada Baardheere.

 Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here