Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe oo sheegay in Dowlada Somalia iyo Maamulkiisa ay ku heshiiyeen in wada hadalada la sii wado

0
192

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay wada hadaladii dhowaan magaalada Addis Ababa ku dhex maray dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inay isku afgarteen in la sii wado wada hadalada.

Axmed Madoobe oo bartamihii bishii May loo doortay Madaxweynaha Jublanad ka dib shir dhowr bilood uga socday xarunta Jaamacada Kismaayo kasoo muran weyn uu ka dhashay ayaa beeniyay wararka sheegaya in heshiis ay gaareen maamulkiisa iyo dowladda.

axmedMadoobePuntland“Waa la kulanay xubno ka tirsan dowladda, waxaa isku afgaranay in la sii wado wada hadalada, oo khilaafka jira la dhameeyo”ayuu yiri Axmed Madoobe oo Addis Ababa kula kulmay wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir.

Laakiin Axmed Madoobe ayaa beeniyay in wada hadaladaas wax heshiis ah ay ku gaareen dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in kaliya ay isku afgarteen sii wadadi wada hadalada.

“Wararka meelaha lala marayo ee ah inaan heshiinay inaga iyo dowladda Soomaaliya waa been, ma oranayo wax heshiis ah ayaa wada gaarnay”ayuu yiri Axmed Madoobe oo warbaahinta Soomaalida kula hadlay mar uu ku sugnaa Addis Ababa.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Addis Ababa uga socday dowladda Soomaaliya wada hadal u dhaxeeyay Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hogaaminaayo, iyadoo wada hadalkaas bilow u ahaa shir dib u heshiisiin oo labada dhinac dhex mara is looga gudbo ismariwaaga u dhaxeeya labada dhinac.

Warar soo baxayay oo laga helayo ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegayay in dowladda Soomaaliya ku qancisay Maamulka Axmed Madoobe in si KMG Madaxweynaha Jubaland, si khilaafka ka jira Kismaayo loo xaliyo, kadibna shirweyne guud oo lagu dhiso maamul loo sameeyo.

Maamulka Jubaland ee uu Axmed Madoobe madaxda ka yahay ayaa awood badan ku leh Kismaayo, iyadoo taageero weyn ka heysto dowladaha Gobolka, sida Itoobiya iyo Kenya oo marar badan booqday, waxaana ciidankiisa ay dhowaan taageero ka heleen Ciidamada Kenya, inkastoo uu beeniyay, isla markaana sheegay inay ku fiirsadeen Kenyanku dagaalka ay la galeen waxa uu ugu yeeray cadawgeena Shabaab.