Marka ( INO)-Guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ( Najax) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in in ay jiraan shaqsiyaad ku lug leh dagaal beeleedyada ku soo noq noqday Gobolkaasi.
Ibraahim Najax ayaa hoosta ka xariiqay in mar weliba oo xal laga gaaro dagaaladaasi Sokeeye ay hadana dib u soo curtaan taas oo marag ma doonto ka dhigeyso in ay jirto gacan 3aad sida uu hadalka u dhigay.
Waxaana uu carabka ku adkeeyay guddoomiyuhu in maamulkiisa uu wado baaritaanno la xiriira shaqsiyaadkaasi colaadda ka hurinaya deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose.
“ dib u heshiisiin marka la yiraahdo waxaa jira dad aan dan ugu jirin meeshana ku nool oo gacan 3aad ah , sidaas aawgeed waxaan rabnaa in kaas iyo umadda aan kala saarno oo dadka dambiilayaasha ah dambiilayaal loo aqoonsado” sidaas waxaa sheegay guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Najax.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in mar weliba ay dib u heshiisiin dhex dhigaan dhinacyada dagaalamay hadana wax yar kadib , dad shacab guryahooda lagu dilo, kuwa Misaajid u socdo la beegsado islamarkaana qaar kale gawaarida lagala dago, taasina ay cadeyn muujineyso tahay in dad aan dan ugu jirin heshiisyadaasi jiraan.
Xiisad beeleedyada ayaa joogto ka noqday Shabeelaha Hoose oo u dhexeysa labo beel oo walaalo ah , waxaana Koofur Galbeed iyo dowladda Federaalka oo dhowr jeer sheegay in ay heshiisiiyeen beelaha aanu jirin wax ka soo naasa cadaaday iyadoo weli dilal iyo dagaallo salka ku haya aanooyin qabiil weli ay ka taagan yihiin halkaas.
Idale News Online, Muqdisho