Marka ( INO)-Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi ( Carabeey) ayaa sheegay in Ciidamada Maraykanka iyo kuwa dowladda weerar ay iska kaashadeen ee ka dhanka ahaa Al Shabaab khasaaro xoog leh ay kala kulmeen Dagaalamayaasha Al Shabaab.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa tilmaamay in ay jiraan Dagaalamayaal iyo Saraakiil ka tirsan Al Shabaab iyagoo nool gacanta lagu dhigay sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa xusay in ay socdaan baaritaanno la xiriira khasaaraha rasmiga ee Al Shabaab loogu geystay weerarkaasi Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Isagoo sii wata hadalkiisa Mr Carabeey ayuu ku sheegay weerarkaan in uu ahaa mid aad loo soo agaasimay kana duwanaa weeraradii horay lagu Bartilmaamsaday Hoggaamiyayaasha iyo Dagaalamayaasha Al Shabaab.
Dhinaciisa Sarkaal u hadlay Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa Idaacadda VOA waxa uu u sheegay in ay weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda Maraykanka iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya deegaanka Tooratoorow oo ay maamulaan Xarakada Al Shabaab.
Si kastaba weerarkii Tooratoorow ayaa Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay fashiliyeen islamarkaana aanu jirin wax khasaaro ah oo dhankooda ay kala kulmeen.
Idale News Online, Marka