Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay in wixii ka dambeeya 31-ka bishan July xoolaha hilibkooda laga cuno magaalada Muqdisho lagu gowrici doono Kawaanka Bari oo ah halkii lagu gowrici jiray xilligii dowladii dhexe.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa lagu sheegay in dhammaan xoolaha lagu qali doono Kawaanka Bari ee degmada Cabdicasiis, kaddibna la geyn doono suuqyada degmooyinka gobolka oo dhan.
Ganacsatada hilibka ayaa la faray inay u hoggaansamaan amarka oo ay joojiyaan goobaha ay hadda ku gowracaan xoolaha.
Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciddii u hoggaansami wayda amarka laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaa lagu amray in ay wax ka qabtaan bishan wixii ka dambeeya ciddi lagu arko iyadoo xoolo ku gowracaysa Kawaanka Bari meel aan ahayn.
Idale News Online