Xudur(INO)-Maamulka Dowlada soomaaliya ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in dhawaan Xarakada al-shabab laga saari doono Qeybaha ay kaga sugan tahay Gobolka Bakool.
Cabdullaahi maxamed nuur Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bakool oo La hadlay Warbaahinta ayaaa waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen ciidamadii xarakada al-shabab ka Saari lahaa Deegaanada ay uga Sugan yihiin gobolka bakool Gudoomiye ku xigeeenka ayaa waxaa uu si cad u sheegay in ay iska kaashanayaan dagaalka ay al-shabab ku qaadayaan iyaga iyo Ciidamada ka socda dalka Ethoipia oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Guoomiye ku Xigeenka Gobolka Bakool ayaa waxaa uu Tilmaamay in ay Xarakada al-shabab ay Dhibaatooyin Xoogan ay ku hayaan Daka ku Nool Deegaanada ay haatan ka Arimiyaan ee Gobolka Bakool sida uu Yiri’
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadii dhacday oo dhawaan Tababar usoo Xiray Ciidamo Halkaasi lagu Tababaray oo ka mid noqonaayo Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay Xarakada al-shabab ka saarayaan Deegaanada ay Gobolkaasi uga Sugan Yihiin.
Xarakada al-shabab ayaa waxaa ay haatan ka Talisaa Deegaano Iyo Degmooyin ka Tirsan Gobolka Bakool .
Hadalka kasoo Yeeray maamulka dowlada soomaaliya ee Gobolka Bakool ayaa waxaa uu imaanayaa Xili al-shabab ay Baneyneysay Deegaano ka Tirsan gobolkaasi bakool.
Idale News Online, Xudur.