Maamulka Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay inuu Shacabka reer Kismaayo uu gumaadayo.

0
198

Kismaayo:Qaar ka mid ah Odoyaasha Magaalada Kismaayo ayaa walaac xoogan waxaa ay ka muujiyeen amaandarada ka taagan magaaladaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan Ciidamada Maamulka KMG ee uu madaxda u yahay Axmed Madoobe,iyadoo xilligana kismaayo ay ku tilmaameen meel aana deganayn.
Nabadoon Cumar Cali oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Gobolada Jubbooyinka ,haatana ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta wadajir ayaa waxuu ku sheegay tan iyo waxii ka dambeeyey Dilkii Ciise Kambooni in dad ka badan ilaa 12 ruux in ay dileen Ciidamada Maamulka,isagoona sheegay qaar ka mid ah dadkaasi in loogu dhacay Guryahooda.
Dadka qaarkii ayaa waxaa loo raadsanayaa heyb Qabiil,iyadoo loogu mar marsiyoonayo waxay ka tirsan yihiin Alshabaab,saasna loo dilayo,ilaa iyo iminkana ma jirto ayuu yiri Maamulka wax ay ka qabteen dilalka ka soconaya Magaalada Kismaayo.
si kastaba ha ahaatee, waxa dhawaan nahan isa soo tarayaa, dhaliilo iyo eedaymo loo jeedinayo maamulka jubba ee ka arimiya magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.
axmed-garoowe
Idale news Online, Kismaayo