Afgooye ( INO)-Yuusuf Max’ed Moordow Guddoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo La hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay dagaal xalay Ciidanka dowladda iyo Al Shabaab ku dhexmaray degmadaasi.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga degmada Afgooye ayaa sheegay in dagaalyahanada Al Shabaab ay doonayeen in gebi ahaanba ay gacanta ku dhigaan degmadaasi Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose balse ay ay ka hortageen Ciidamada ammaanka ee degmadaasi sida uu hadalka u dhigay.
Moordow ayaa shaaca ka qaaday in Iska caabin xoogan ay ku sameeyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya weerarkii ay ku soo qaadeen Dagaalyanada Al Shabaab waxaana uu faah faahiyay halka laga soo weeraray oo uu ku sheegay deegaanka Mareereey oo hoostaga degmada Afgooye .
Isagoo sii hadlayay Guddoomiye ku xigeenku ayuu tilmaamay in Al Shabaab 4 qof oo shacab ah ay ku dileen inta u dhexeysa Mareereey iyo Afgooye.
DhanaCa kale Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga ayaa Waxaa uu sheegay in Saakay in Ciidamada Dowlada IYO Kuwa Amsiom ay la Wareegeen Deegaanka Mareereey ee G sh hoose waxuuna shegay in Deegaanka Gacanta hadda ay ku hayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM.
Si kastabaha Dagaalyanada Al Shabab ayaa xalay weerar dhowr Jiho ah waxa ay ku soo qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Idale News Online, Afgooye