Nabadoon Yuusuf Maxa’ed Maxamuud (Hagooge), oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in DFS ay Dhibaato ka dhex abuurtay Beelaha wada dega Gobolada Galgaduud & Mudug.
Nabadoonka ayaa tilmaamay in mar haddii aan loo dhamayn Xubanaha Gudiga farsamada Shirka Cadaado lagu wado inuu ka dhaco uu noqon doono isna mid aan loo dhamayn oo Natiijadii kasoo baxdana noqon doonto mid lagu kala qeybsan yahay.
“Beelaha Gobolada Dhexe waa Dad horey u diraray walina Dib u heshiisiin rasmi ah looma samayn, marka waxaan ugu baaqayaa DFS in marka hore Gobol Dib u heshiisiin u furto Beelaha Galgaduud & Mudug kahor inta aan la samayn Maamulka Cusub,” ayuu yiri Nabadoon Hagooge.
Wuxuu sheegay in Qorshaha Maamul u samaynta uu yahay mid wanaagsan, balse loo baahanyahay in Wado sax ah loo maro si siman oo Cadaalad ahna loogu qeybiyo Beelaha Awooda Gudiga Farsamada oo hadda uu ku tilmaamay in Shaqsiyaad ay sameeyeen Sed-bursi.
Idale News Online , Muqdisho