Ummada soomaaliyeed waxaa ay ka mid aheyd ummadihii la gumeystay sidii ay u xoroobi lahaydna waxay u soo martay halgan dheer. Hadaba waxaan helnay taariikh kooban oo ku saabsan mid kamida ah halyeeyadii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xurnimada iyo madax bannaanida soomaaliya heysato halyaygan waa Cismaan Geedi Raage.
Cismaan Geedi Raage waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii ururkii dhilinyarada soomaaliyeed ee SYL (Somali Youth Leage). Waxaa uu ka dhashay qoys ganacsato ah waxaa uuna ku dhashay Mogadishu sannadkii 1925kii. Aabbihii Geedi Raage waxaa uu ahaa ganacsade caan ka ah magaalada muqdishu iyo hareeraheeda waxaa uuna ganacsi u tegi jiray wadanka dibadiisa sida Sinsibaar, Mambaasa, Nayroobi, Cadan iyo Makoli oo ka tirsan dalka Yaman.
Barbaarintii Cismaan Geedi Raage
Cismaan Geeddi Raage waxaa uu yaraantiisii ahaa wiil faham badan waxaa uu ku fiicnaa waxbarashada da’da lix jir markuu ahaa waxaa uu aabbihii Geedi Raage geeyay xarun laga baran jiray Qur’aanka kariimka iyo luuqada carabiga halkaas oo Cismaan waxaa uu ka bilaabay waxabarashadiisii ugu horeysay markii uu dhameystay barashadda Qur’aanka iyo carabiga waxaa uu Cismaan bilaabay wax barashadii talyaanigu ka bixin jiray magaalada muqdishu halkaas oo macalimiin talyaani ahi wax ka dhigi jireen Cismaan markii uu dhameystay wax barashadiisii waxaa isga iyo dhowr arday oo wax barashadoodii dhamaystay loo soo bandhigay in ay u noqdaan turjubaano gumeysigii Talyaaniga ee haystay Soomaaliya Cismaan waa uu diiday inuu noqdo Turjubaan isagoo ogaa in waxa uu turjubaanayo yihiin wax uusan raali ka aheyn waxaa uuna go’aansaday inuu noqdo ganacsade madax bannaan.
Ganacsigii Cismaan Geedi Raage iyo bilowgii halganka SYL.
Madaama uu Cismaan aabbihiis ahaa ganacsade si weyn loo yaqaano Cismaan waxaa si fudud ayay ugu sahlanaatay inuu gutu hawlihisii ganacsiga waxaa ayna siisay ganacsigii uu ku jiray inuu barto magaalooyin badan iyo wadamada deriska la ahaa dhulka soomaalida sida Kenya iyo Yaman oo uu gumeysigii Ingiriisku ka talinayay iyo Itoobiya oo gacansaar la laheyd gumestihii Ingiriiska.
Intii uu ku jiray ganacsiga Cismaan waxaa uu gumestihii Talyaaniga kala kulmay dhabaatooyin isugu jiray cadaadis xarig handadaad waxaa intaas sii dheeraa oo uu arkay intii uu joogay dhulbeereedka Shabeelada Dhexe gumesigii talyaaniga oo la wareegaya beerihii dadka isla markaasna dadkii laha lagu amray inay si qasab ah ku falaan.
Cismaan safarkiisii ugu horeeyay ee ganacsi waxaa uu arkay wax uu qaadan waayay sida silica iyo dhibaatada uu ku hayo gumeystuhu dadka soomaaliyeed Cismaan waxaa ku sii korortay nacaybkii uu u qabay gumeystihii Talyaaniga waxaana ku abuurmay qiiro wadaniyeed iyo dareen xurnimo doon.
Cismaan intii uu kujiray howlihiisa ganacsiga waxaa u suurto gashay inuu la kulmo dhalinyaro soomaaliyeed oo ay ku abuuran tahay figradiisa mid la mid ah isla markiiba isaga iyo dhilinyaradii kale waxaa ay bilaabeen inay ka tashadaan aayaha dalkooda iyo danta ummadooda , waana tan keentay in la aas-aasay ururkii (SYL).
Halgankii Cismaan Geedi Raage
Halgame Cismaan Geedi Raage waxaa uu ahaa nin degan , aragti dheer, naxariis badan deeqsina ah. Waxaa uu ahaa nin wadani ah oo aad iyo aad u dad iyo dal jecel waxaa uu ahaa nin howl badan kalin libaaxna ka qaatay dhaq-dhaqaaqii xisbigii SYL waxaa uu ahaa xubinta saddexaad ee aas-aasayaasha ururka dhalinyarada soomaaliyeed,(SYL) kaalin lama iloobaan ahna ka qaatay halgankii xurnimo u dirir.
Sida lawada ogsoon yahay dad weynaha soomaaliyed waqtigii la aas aasayay ururka SYL wacyigooda iyo aqoontoodu way hooseysay wayna adkeyd in si fudud looga dhaadhiciyo, ama lugu abuuro sidii ay ula dagalami lahayeen gumeysiga dalkoodii qabsaday oo aan ogoleyn dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo madax banaani raadis ah uu ka sameysmo dhulka soomaaliya sidaas darteed aas aasayaasha ururka SYL waxaa ay halgan kooda ka bilaabeen qoysaskooda, qaraabadooda iyo dadka ay ku kalsoonaayeen.
Halgame Cismaan Geedi Raage oo ka dhashay qoys magac weyn ku lahaa magaalada Xamar iyo hareeraheeda iyo aabbihiis oo ahaa ganacsade nabadoon ah siweyna loo yaqaan ayaa u suura gelisay in uu barto dad farabadan kuna guubaabiyo gumeysi nacayb iyo xurnimo u dirir.
Halgame Cismaan Geedi Raage waxaa uu howlo guubaabineed ku tegay meelaha kala ah Garasbaalay Dayniile, Balcad, Caadlay, Aadan-Yabaal, Warsheikh, Cisaleey iyo Jowhar intii uu joogay goobahaas waxaa uu qudbooyin qiiro leh u jeediyay kana dhaadhiciyay ujeedooyinka SYL iyo sida ay kaalintooda uga qeyb qaadan lahaayeen dhamaan dadweynihii uu la kulmay. Intii uu Cismaan Geedi Raage ku jiray baraarujinta shacabka soomaaliyeed waxaa dhacday in gumestihii ku tuhmay dhaq-dhaqaaqiisa xorimo doonka ah kadibna gumestuhu ku xiray magaalada Jowhar. Cismaan Geedi Raage waxaa uu xabsiga kala kulmay ciqaab, jir-dil, aflagaado iyo daryeel xumo si kastaba gumestuhu ha ula dhaqmee Cismaan marnaba uma dabcin gumeystaha ee dusha ayuu u dhigtay dhibatadaasi mudo markii uu ku xirnaa Cismaan magaalada Jowhar waxaa laga sii daayay xabsiga.
Cismaan waxaa uu soo diyaarin jiray qudbadaha xamaasad gelinta ah isla markaasna muujinaya damiir xumida gumeystaha iyo dibin daabada uu ku hayo ummda soomaaliyeed, waxaa dhici jirtay in dooduhu kulu-laadaan xamaasada ku jirta awgeed, hase yeeshee Cismaan oo ku tilmanaa deganaan waxaa laga faa’iideysan jiray deganaanshihiisa waxay saxiibadii ku tilmaami jireen nin yar oo leh maskax wayeel.
Habeen habeenada ka mid ah waxaa dhacday in isaga iyo Daahir Xaaji Cismaan oo ah halgame ka mid ah 13kii SYL ay fuuleen baabuur ka mid ahaa gaadiidka dadweynaha oo uu lahaa nin Talyaani ah markii uu arkay ninkii baabuurka lahaa waa ka xanaaqay waxaana uu ku amray inay kasoo degaan baabuurka madaama aan loo oggolleyn nin madow ah. Halyeyadaasi Cismaan iyo Daahir waa ay diideen in ay ka degaan baabuurkii dagaal gacan ah ayayna u gesteen ninkii Talyaaniga ahaa, waxaa dagaalkoodii kusoo baxay ciidamadii nabadgelyada waxayna arintooda gaartay wakiilka Ingiriiska u fadhiyay Xamarkasoo xukumay in:
1. In baabuurka lagala wareego ninkii Talyaaniga ahaa
2. Iyo in dadweynaha soomaaliyeed ay raaci karaan gaadiidka ka shaqeeya gobalka banaadir. Arintani waxaa ay naqatay in dadku ogaadaan in waxa laheyso iyo dadka loo diidayo in ay raacaan baabuurta ay yihiin muwaadiniinta dalka iska leh sidaas darteedna ay kordhiyaan iska caabinta gumeystaha.
Gumeysigu waxa kaloo ay isku dayeen in ay kala qeybiyaan dhalin yaradii soomaaliyeed isagoo isticmaalaya lacago iyo darajooyin aan jirin waxaa uuna damcay in rag uu Cismaan ka mid ahaa la damco lakiin waa ku guul dareystay waxaana dhacday in xabsi loo taxaabay Cismaan iyo rag kale. Waxaa cadaadiska gumeysigu sii saa’iday markii gumeysigii Talyaanigu ku soo noqday waddanka ee loo xil saaray in uu sii haysto soomaaliya tobanka sanno ee daa’qiliyada ah (A.F.I.S, Aministrasione Fiduciariaria Italiano Somalo).
Waxaa jirtay shirkad magaceedu ahaa ceymiska dadka (Assicurosione Italiano), uu gumeysiga Talyaaniga ku tilmaamay in ay u daneyaan shaqaalaha soomaalida ee ku dhaawacma shaqada ay u hayaan dowlada Talyaaniga hase ahaatee ku dhisnayd daneysi shaqaala soomaalidana xaqooda lagu duud siin jiray waxaa dhacday in halgame Cismaan shaqo ka bilaabay shirkada kadib markii loo baahday qof soomaali ah Cismaan ujeedadiisu waxaa ay aheyd sidii uu u soo dhicin lahaa xaqa dadka soomaalida saameyna uu ugu yeelan lahaa waxaa uu ciil ka qabay sida soomaalida loola dhaqmo Cismaan waxaa uu shaqo ka bilaabay xafiiska qiimeynta dhaawaca soo gaara qofka shaqaalaha ah iyo qorida wixii magdhow ah. Maalin maalmaha kamida waxaa dhacday in xafiiska Cismaan hortiisa lagu garaacay niman Talyaani ah kadib markii ay dad badan oo ah xoogsato soomaaliyeed ah xaqoodii duudsiyeen.
Gumeysiga Talyaaniga markii uu arkay dhibaatadaasi ayaa waxa uu doorbiday in uu xafiiskaas u dhiibo nin Soomaali ah si ay dadka soomaaliyeed dhexdooda isaga horyimaadaan oo isku baa’biyaan , hase yeeshee Halgame Cismaan Geedi Raage waa uu ogaa ujeedadiisa, waxa uu qalbiga ku haystay waxa ay ummadiisu ka sugeyso. Isla- markiiba waxa uu dadweynaha soomaaliyeed u muujiyay howl- karnimo ,daacadnimo iyo wadaninimo aad u heer sarraysay isagoo u qabtay wixii ay u baahnayeen xaqoodiina u soo dhiciyay. Tasoo dadkii soomaaliyeed raalli gelisay , tustayna in aas aasayaasha ururka (SYL) halgankoodu xaq yahay kuna dhisan yahay wadaninimo iyo daacadnimo.
Hadaba gumeysigu waxaa uu gartay in Cusmaan yahay waddani dadkiisa jecel kadib markii ay u kuur galeen sida uu dadka soomaaliyeed wax ugu qabanayo oo uu xaqooda ugu doodayo welibana u dedejinaayo wixii ka soo gala shirkadaas. Waxaa uu gumeysigu bilaabay qorshe Cismaan Geedi Raage lagu dhalan rogi lahaa loogana dhigi lahaa shaqsi tiisa kaliya fiirsada isla markaasna ka baxa talooyinka iyo baraarujinta uu ku dhex wado shaqada.
Kadib markii ay u cadaatay gumeystaha in Cismaan Geedi Raage dhibaato ku yahay shirkada gaar ahaan guud ahaana xukunka isticmaarka ayaa gumestihii Cismaan usoo bandhigay in wadanka Talyaaniga loo qaadayo laguna siin doona waxbarasho qaadan doonta 4 afar sannadood. Cismaan waxaa uu fahmay in u jeedadu tahay in lagu xanibo Talyaaniga waana uu diiday inuu aado Itaaliya.
waxaan la illawi karin karin dagaalkii qaraaraa ee uu gumeysiga ku qaaday gobalada soomaaliyeed gaar ahaan Baydhabo iyo Kismaanyo. Dagaalkaas waxaa ku nafwaayay dad badan oo soomaaliyeed, qaar kalena wey ku hanti beeleyn kuwana waxaa laga buuxiyay xabsiyadii gumeysiga oo ahaa kuwo aad u xun iyadoo aan loo kala soocin waayeen, caruur, dumar iyo rag. Kumanaan ayaa ku dhintay xabsiyadii Talyaaniga kuwana waa ay ku curyaameen.
Cismaan Geedi Raage waxaa uu ahaa shaqsi daacad ah yaqaana waxa uu doonayo oo aheyd xornimo waxaa uu ahaa indheer garad , aqoonleh lana socday marxaladihii gumeystaha, waxaa uu lasocday sifiicana u yaqaanay taariikhda reer galbeedka qaas ahaan dhacdooyinkii dhacay dagaalkii 1aad ilaa dagaalkii 2aad ee aduunka iyo siduu gumeysigu ku soo galay Afrika.
Halgame Cismaan Geedi Raage hoygiisu waxaa uu ka mid ahaa meelaha laga abaabulo dhaq-dhaqaaqii SYL tusaale waxaan usoo qadan karnaa markii halyeygii soomaaliyeed Cabdullahi Ciise uu wadanka ka dhoofayay ee uu raadinayay madax-banaanida ummada soomaaliyeed waxaa ay aheyd hoyga Cismaan Geedi Raage halka ay ku tashadeen uuna ku macsalaameyay urukii SYL Cabdullahi Ciise reerkiisuna ku danbeeyeen ilaa iyo intii uu soo noqonayay. Cismaan Geedi Raage waxaa uu ahaa naftii hure soomaalinimada iyo wadan jaceykuna ay ku weyn tahay.
Geeridii Cismaan Geedi Raage
Halyey Cismaan Geedi Raage waxaa ku geeriyooday degmada wadajir ee magaalada Muqdishu taariikhdu markay aheyd 2.6.1978.
Geerida Cismaan Geedi Raage waxay naxdin gelisay dhamaan ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogeenba. Waxaa aaskii halyaygaasi ka soo qeyb galay aad u farabadan oo isugu jiray qaraabadiisa , saaxiibadiisa gaar ahaan kuwii ay halganka SYL ku wada jireen intoodii nooleed iyo madax ka socotay dowladda soomaaliya.
Dhamaan dadkii tegay aaska halyeyga waxaa ka muuqday tiiraanyo naxdin laheyd waxaa loo aasay si heer qaran ah waxaana lagu aasay qabuuraha sheekh Suufi.
Halyey Cismaan Geedi Raage waxaa ay dowladii soomaaliyeed ku shartay in loogu magac daro Dugsiga Sare Cismaan Geedi Raage oo ku yaala degmada Howl Wadaag ee magaalada Muqdishu. Sidoo kale waxaa jira markab loogu magacdaray halyeyga Cismaan Geedi Raage.
Qore: Layla Geedi Raage