Maalinta Isniinta oo la go’aamin doono xiliga la qaban doono doorashada Guddoomiyaha Barlamaanka

0
237

Iyadoo ilaa iyo hadda guddiga Farsamada ee soo xulista barlamaanku ay shaaciyeen  202 xildhibaan ahna tiro ka badan kooramkii loo baahnaa, ayaa sida la qorsheeyey kulanka ugu horeeya ee barlamaanka cusub la sheegey inuu qabsoomayo maalinta isniinta ee socota, iyadoo si kmg ahna isaga soo dhex xuli doona xildhibaanka ugu da’da weyn si uu u shir gudoomiyo ilaa inta barlamaanku si rasmi ah u dooran doono  guddoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Maanta ayaa la filayaa in xubnahaan cusub la siiyo kaararkii aqoonsiga, maalinta isniinta ahna guda galaan howlaha kale ee dhiman sida dhaarinta xildhibaanada, iyo diyaarinta doorashada gudoonka barlamaanka, si looga hortago ineysan dhicin gap ama vacuum ku yimaada hanaanka dowladeed ee Somalia ka dib marka uu dhamaado xiliga jiritaanka dowladda Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo waqtigeedu ku eg-yahay 20ka bisha oo ku beegan Isniinta soo socota.

Madaxweyne Sharif Sheikh Axmed ayaan aad ula dhaxsaneyn liiska guddiga farsamadu soo saareen waxuuna sheegey in guddiga farsamadu ay isku howlayaan shaqo aan loo ikman, isagoo si gaar ah u xusay dib u celinta xildhibaanada odayaashu soo gudbiyeen, waxuuna ashtako  arrintaas ku saabsan ugu tagey wakiilka gaarka ee Somalia oo shaley wadanka dib ugu soo noqdey, hase ahaatee natiijada shirkooda ayaa un ku koobnaa shir jaraa’id oo ay wada qabteen, taasoo aan wax weyn ka bedelin howsha guddiga. Si kastaba ha ahaatee dalabka Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ee ahaa in xulifadiisa siyaasada ka dhex muuqnaan liiska xubnahaan ayaan weli muuqan, lamana garan karo talaabada kale ee u furan Madaxweynaha haddii go’aanka Guddiga Farsamadu ee dib u celinta xildhibaanada aan laga jawaabin.

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com