Ma Sweden baa dulmiley ah, mise dollar baa ka shaqeeyey? (Tallaabadii ay qaaday DF Somalia)

0
241

Muqdisho(INOI)-Dowladda soomaaliya waxay u dirtay Sweden warqad Press release ah, oo lagu cambaareeyey dowladda Sweden, laguna taageeray dowladda Sacuudiga. Warqaddu, looma qorin luuqad diblomasiyadeed, waxayna ku qornayd Luuqad dagaal ama colaadeed oo aan loo dhisin xitaa nidaam naqdinta heerka caalamiga loo dhigo ka duwan.

Waxay runtii ka qaawanayd dhamaan habraaca luuqadda ay ku wada hadlaan diblomaasiyadda dunida. Haddad aqriso, xitaa umay qori lahayn dowladda sacuudiga oo ah cidday swedishku is haystaan.

Qilaafka iswiden iyo Sacuudigu inta badan waxyaabaha laga sheego inuu ku fadhiyo waxaa ka mid ah, Aqoonsiga dal dhisan oo ay FALASTIIN leedahay, sacuudiga iyo Masar iyo Yahuudunaisaga qaddiyan yihiin, Mana Ogola dal Falastiin oo jira dhamantoodba, Haddaba dowladdeenu ma waxay ka soo Horjeedaa QADIYADDA DADKA REER FALASTIIN oo waxay taageeraysaa Inaysan dowlada UN-ka aqoonsan yahay noqoto Falastiin, oo waxay la safan tahay YAHUUDDA, tani waa Arin waayaheena ku cusub oo aan horay loo arkin.

Sacuudigu waxaa aad loogu yaqaanaa inuu dhamaan waddamada ku Jira UN-ka ee aan xoolaha haysanin uu iibsado qaddiyaddooda uuna jeebka ku rito, wuxuu dhigaa meel cidla ah, ma ahan waddan diplomasiyad ahaan beryihii ugu dambeeyey fadhiya, waa dal doonaya inuu waxkastaba ku maquuniyo lacag. Waxaan xusuustaa mar uu Russia doonayey inuu Laaluusho oo uu ka dhaxlay Hanjabaad, waa dal ku shaqeysta Drug-dealer-nimada oo dhaqaalaha in badan oo ka mid ah ka hela Drug Trafficking, Maaha in lagu xamanayo, waa arin waadix ah, Waxaa kaaga daran waligiis muu fahmin habka loogu dhaqmo diplomasiyadda, wuxuu u haystaa gabigeeda inuu iibsado, ummaddaha, dowladda Sacuudigu waligeed may yeelan International agenda ay dunida kula noolaato, waxaa madax u ah, rag boqoro sheegtay illaahay baan Boqor ahe, oo Cimrigi lagu fekero aan joogin, oo sida la sheego, isticmaala Daroogadda Cocaine-ka. Caqliga ay ku shaqeeyaan waa oday weyn oo Maryo waaweyn xiran, noloshiisa la Tacaalaya. Jiilalka Sacuudiga Taariikhdoodu mid sharaf leh maysan ahayn, dhamaan waxkastoo dunida yaala dad shidaalku Garab mariyey weeye.

Toddobaatamaadkii Sacuudigu, Somalia berihii uu joogay Kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre, ayuu isku dayey inuu Laaluusho, in badan wuxuu la daba joogay lacag fara badan iyo Tacaawinaad aad iyo aad u fara badan, ugu dambayntii Markii Russian-ku is diideen dowladdii Soomaaliyeed, ee Sacuudigii ay u tageen wax khayr badan kama soo dheefin.

Maanta waxaan dareemaynaa dowladdeenii in ikhtiyaarka laga qaaday, waxan dareemaynaa inay ku dhex jirto Mowjadaha is haysta ee dunidan, waxay isu muujinaysaa inay dhinac dunida ka mid ah raacsan tahay, waxay Gudbinaysaa fariimo halis ah oo aan u wanaagsanayn jiritaankeena dowladnimo.

Turkey oo ah waddanka Labaad ee ugu ciidanka badan Isbahaysiga NATO, wuxuu qaatay fekerka la yiraahdo, “Cidna wax Collaad ah ha u Muujin”, oo uu micnaheedu yahay Cadowgaaga la shaqeyso, collaad iyo Nabadba kula shaqeyso, waana fekerka jira oo dunida lagu dhaqmo waddamo badan.

Dagaalkii labaad ee dunida, Markuu Hitler Yurub ku Tuman jiray, 1941 Americanku shidaalka ay isticmaalayeen Gujis-yada Jarmalka badaha waaweyn isaga Goosha ayagaa siin jiray. Waxay ahaayeen 6 Markan nooca oil Tankers-ka la yiraahdo, waxaana Darawal ka ahaan jiray Badmareen Jarmal ah, haddana dagaalkii Yurub Americanku waa ku Jiray. Dunida qaabka loo fekerayo, maaha inaad warqad inta iska qorato, u dhiibto caddaad doonayso, kadibna taariikhaha la qorayo laguu raaciyo.

Shiinaysku iyo Hindiyanku heshiis waligood may noqon, dagaalo ayaa dhex maray, wali dhul ayaa arintiisu taagan tahay, hadana diblomaasiyadoodu waligood illaa heer si public ah laysu dhaafsado ma joogto, waxaana layska illaaliyaa waa in aan cidna cadowtooyo kuu qaadin.

Inaad la colowdu dal ka mid ah dalal dunida ka jira waxay ku dhaxalsiisaa inaad saaxiibo badan ku weyso, waxay ku galisaa inaad ka go’naato duni badan oo aad u baahan tahay, waxayna kugu qasabtaa inaad la kulanto xanuuno badan, oo shucuubtaadu u saamaxayn inay ka faa’iideystaan.

Dalka Masar ee aan walaalaha nahay, manta uu gacanta ku hayo Gacan ku dhiiglaha manta jooga, waxaa ka horeyey Ninkii ka yimid qoladan Ikhwaanka ah, qaladaadka uu khalay waxaa ka mid ahayd, markiiba la doortay inuu u dhaqaaqay Reer Bariga oo asaga iyo Ganacsatadii reer Masarba China u xarooday kadibna shirkii waddamada dhex dhexaadka ahaa soo Maray ee ka dhacay dalka Iiraan, wuxuuna u muuqanayey reer galbeedku in Masar ay u gacan Gashay reer Barigii oo ay isbahaysi la sameysay dhankaas.

Reer Galbeedka wadna xanuunka ku dhacay wuxuu noqday, in canalkuu Zuweys isu badalay Gacankii Reer Bariga, Cabsidii oo taagan, si loo maareeyana laga fekerayo, ayuu mar qura dhawaaqay. Dhawaaqaas ayaa Cirbad weyn oo ku Taagnayd Reer Galbeedka ka Fududeysay, wuxuuna yiri si fudud “”MADAXWEYNAHA SUURIYA HAYS CASILO””, kalimadaasina waxay daaha ka rogtay in Mursi uusan ahayn nin meel Fog jiray, wuxuuna noqday nin laga eegtay laba dhinaca, oo uusan ku joogi Karin Kursiga Xukuumadda dalka Masar, tan koowaad wuxuu ka mid ahaa qolo Diin laga urinayey oo laga baqdin qabay, iyo tan labaad oo ahayd inuusan lahayn garab culus oo markaa difaci lahaa.

Dunida manta waa BUUR ahoow ama BUUR ku Tiirsanoow, labadiina midna gacan kuma hayn, ugu dambayntiina isla kacdoonkii uu ku guuleystay ayaa asaguna dib loogu kiciyey waxayna ahayd jidkii uu ku yimid, ha lagu tuuro, micnahuna waa iska caddaa, wax hanaan ah oo lagu xaliyana waaba ka madoobayd, halkaas ayuu saaxadii uga baxay. Shalay waxaad ahayd manta maahid, waxaaad manta joogtana Berri noqon maysid, hadday aragtidaada dheeraan weyso mustaqbalkaagu waa madow yahay.

Sideedaba in dunida dowlad la mucaaradaa adigoon waxba ahayn iyo adigoo wax ahba, wax suurtoobayaa maaha, Madaxweyna Russia ayaa wuxuu Yimid dalka Masar, Meelkasta oo dalka masar ka tirsan waxaa lagu dhajiyey Madaxweynaha Russia sawirkiisa, haddana wax hanaan wanaagsan ah oo ka dhaxeeyaa ma jiraan, diblimaasiyaddoodu waa sida Saynta Ariga.

Waxaan is weydiiyey dowladdeenu maxay u qortay labada waqadood ? ma dollarkii lagu dooran lahaa qolada Talada dalka haysata ee Dadku DAMULJADIID yiraahdeen, mise Cilmi darada dunida ka haysataa u geysay, mise kaba daranoo waa lagu qasbay inay arintaas sidaasi u dhigto?,

Jawaabta aniga ii soo baxday waxay noqotay in xisbiga dalka manta ka taliyaa uu doonayo cash lagu sameeyo Ololaha dib loogu dooran lahaa, dabcan waxayna isleeyihiin inay helaan lacago aad u xajmi badan, si ay u iibsan karaan codada aad u tira badan, meeshana ay uga saaraan Cabsida ah, amaad culeys kala kulantaan dhanka dhaqaalaha. Hadday Strategyadaadu noqo Kursi, Walaahi Maxamed Siyaad waad ka hooseyn doontaan, dalkuna meel ka xun buu tagayaa. Kacaanku Fekerkiisu wuxuu ahaa CIIDAN dhis, CAQLIGII DAD DHIS ayuu ka tagay, haddana raggani odayaasha ah, waxay waayeen labaduba, oo waxaan arkayaa inay ku mashquuleen KURSI DHIS, waxaana meesha ka baxday DAL DHIS, DAD DHIS.

Waa laga yaabaa inay jiraa aragtiyo ka halis badan oo anigu garaadkaygu tarjumi waayey, mustaqbalkoodu madow yahay. Haddana taasi waxaan u daynayaa, inta aniga iga garaadka iyo garashada wanaagsan, qaasatan inta wax badan kala socota, ee xog ogaalka ah.

Waase yaabe, haddii lagu guuleysto dhaqaalaha in la helo ee dalka doorashadiisana lagu guuleysto, sideebay doonayaan inay dalka diblomaasiyadiisa dibada wax uga qabtaan. Cabsi xad dhaaf ah ayaa meeshaas ka soo baxaysa waana halista ugu weyn, ee khaladaadka dalka lagu hagayo ee runtii aan laga kabsan doonin mustaqblkeena.

TALO: Waxaan u baahanahay dal ka badax banaan dhamaan waxyaabaha dunida ka jira, waxan doonaynaa inaynaan colaad nagala dhaxayn cidkastaba, xitaa Ethiopia iyo Kenya, ma doonayno fekero aynaan munaasab nagu ahayn in lana galiyo oo aan la dhacno, waan inaan hubsanaa kana qaadano wixii na anfacaya, ma jeclin inaynu la dhacno Xoogaa dhaqaale ah, oo dalku u baahan yahay, ama kooxaha dalka maamulaa u baahan yihiin oo lagu badalano waxaan noo qalmin, oo ku cayaaraya dadnimada qaaliga ah ee Islaaminada iyo soomaalinimada ka soo horjeeda.

Xigmad waxay noogu jirtaan inaan cidkastaba waxan uga baahanahay ka heli karno, ma doonayno dhaqaalaha reer Galbeedka ee sii dhimanaya inaan la dhimano oo aan mar labaad raacno oo kuwa geeska Africa ee dhaqan-dhaqaale nagala dhaxeeyo berri ka go’doonsanaano, ma jeclin mana yeelayno in Mustaqbal Mugdi ah aad noo dhistaan, idinka dhagaysan mayno ciddaan noo cadow ahayn inaad nooga dhignaa Sun, waan ka soo gudubnay waana ka garaadsanay, waana soo aragnay in dhinac la maro micnaha ay leedahay, idinku saacid mayno, idinku taageeri mayno inaad nala aadaan meel aan shacabka soomaaliyeed tantiisa ku jirin.

Intaad colaad la geli lahayd dowladda dadkeena ku soo dhaweysay nolol fursado wanaagsan oo in badan ay ka faa’ideysteen, kuna caawiyey documents ay meeshay doonaan dunida kaga gudbayeen, waxaa kaaga wanaagsan inaad balance garayso, dadka aad masuulka ka tihiin cidda u dan ah iyo cidda manta u daran.

Anigu Sharcigaygu waa Soomaali, waxaan ahay Somali Citizen aad u jecel inuu illaaliyo dhaxalka Ummadda, mana ahi Qaxootiga Sweden, haddana caqligaygu waa uu qaadan kari waayey, in Miisaanka xadkiisa lumay lagu jaangooyo meel uusan waligiis u badanin, mana dhici karto inaad RAAXO u qaadato MAS ku qaniinayaa, oo aad haddana u xiisa qabto qaniinyadiisa, xitaa haddii Malaayiin laguugu siiyo, Waayo Naftaan qaadan karayn, Ka jooga oo naga daaya ceelka aad noo qodaysaa, nagu dhex lumina mowjado naga dhaqaalo iyo Technology badan, oo isla yaqaana habka shaxda loo ciyaaro, hayskun dayina inaad noloshiina ku qancisaan inaad noqon kartaan dad wadciga manta taagan xafidsan, hana nooga ciyaarina nolosha cusub ee manta aan doonayno inaynu abuurno, Haddii kale Shabaab ayaa Idin Gubi doonta Mustaqbalka dhow !

Illaahay xaqa hayna waafajiyo, jidka toosana ha inagu toosiyo, kuwa aan hungiri Raax noqon ha inaga dhigo, dalkeena horumarkiisa mid siyaada oo aan la hor istaagi Karin haka dhigo insha allaah.

Mahad oo dhan illaahay bay u sugnaatay.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here