M/Hirshabeelle oo ku dhawaaqay inuu heshiis la galay dowladda Federaalka

0
196

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay inuu heshiis la galay dowladda Federaalka, kaddib wada hadalo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdish.

Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdishoo ayuu ku sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, kaddib wada hadalo dhex maray Madaxda Maamul goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay wada hadal la furto dowlad goboleedyada.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in wada hadalo socday muddo afar cisho ugu dambeyn xalay la isku afgartay wixii khilaaf iyo tabashooyin jiray la xaliyo, iyadoo wada hadaladaas ay qeyb ka ahaayeen Madaxweynaha Hirshabeelle, Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda dowladda Federaalka, sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ah mid lama filaan ah, marka loo eego halka markii hore maamul goboleedyada ka taagnaayeen khilaafka dowladda Federaalka oo maalmihii la soo dhaafay sii xumaanayay, isagoo ka laabtay go’aankii uu kula mowqifka ahaa maamul goboleedyada ee ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

Madaxweyne Waare ayaa markii uu maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho, kana soo laabtay Kismaayo waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso maamulkiisa, isagoo sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho faraha ka baxay, Xildhibaanadana ku wargeliyay inay is ilaaliyaan.

8-tii bishan ayay aheyd markii shir ay magaalada Kismaayo ku yeesheen Madaxda dowlad goboleedka kaga dhawaaqeen inay hakad geliyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka, iyagoo eedeymo fara badan u soo jeediyay.