Liiska Magacyada Golaha Wasiirada oo la filaayo in Saacadaha nagu soo aadan la shaaciyo

0
213

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya  Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo tan iyo markii xilkaas loo magacaabay waday la tashiyo kala duwan oo uu la lahaa xildhibaanno, qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa saacadaha soo socda laga filayaa in uu ku dhawaaqo liiska gollaha wasiirrada cusub ee xukuumadiisa mudada afarta sano ah ee soo socta.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada si wanaagsanna ula socda arrimaha ku aadan magacaabista gollaha wasiirrada ayaa sheegay in ay soo dhamaadeen magacyada xubnaha gollaha wasiirrada, lana filayo oo kaliya ra’iisal wasaaruhu  in uu ku dhawaaqo, maalinta Axada, haddeyba ka soo hormarin.

Ra’iisal wasaare Saacid ayaa sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad kooban tayo leh,  oo ka kooban 18 Wasiir, waxaana uu sheegay in wax qodobka ugu muhiimsan oo ay xukuumadu xooga saari doonto tahay nabad-galyada

Idale News Muqdisho