Baydhabo(INO); Wararka aan ka heleyno garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaan hore oo katirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee waqtigisa dhamaaday uu goordhaw ku geeriyooday gudaha Garoonka Aadan Cadde.
Xildhibaanka hore ee geeriyooday oo lagu magacaabo Cali Cumar Nuur ayaa la sheegay in uu u dhintay xanuun dhinaca wadnaha ah, Xildhibaanka ayaana la doonyay in laga duuliyo Muqdisho xaalad caafimaadna loogu qaado dalka dibadiisa.
Maareeye kuxigeenka Garoonka Aadan Cadde C/Raxmaan Gowle ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in garoonka uu ku dhax dhintay Xildhibaan hore Cali Cumar, waxa uuna sheegay in Xildhibaanka uu xanuunsanaa daaweyna loogu qaadi rabay dalka dibadisa.
Allaha u naxariistee Xildhibaan hore Cali Cumar Nuur ayaa la sheegay in mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, waxaana Xildhibaanka hayay xanuunkan uu u geeriyooday ee ka asiibay dhinaca wadnaha.
Idale News Online,