lamaanaha Aroos Qaran in loo dhigo kuma habboonyihiin

0
247

Intii ka dambeysay dilkii dhowaan ka dhacay Muqdisho isla markaana lagu gubay marxuum Axmed Mikhtaar Saalax oo ka soo jeeday beelaha Jareerweyne , adeerna u ahaa wiil Jareerweyne ah oo guursaday gabar beelaha kale e Muqdsho ku hubeysan ka soo jeeda, waxaa soo baxayey hadalo qaarkood ay weli yasiddii beelahaa ka muuqato.

Sidoo kalena xusul duub in la damiinto ama la sii daayo dadkii falka ka dambeeyey ayaa soo baxaya, taas oo haddii ay dhacdo sii xaqiijineysa in dadkan la dulmay aan la dooneyn gefka loo geystay in wax laga qabto , haddii sida ay wax u socdaan u dhacaana waxay noqoneysaa fashilkii ugu weynaa ee ay ku lug yeelato dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Farmaajo waxaa fadeexad ugu filan in aaney weli ka tacsiyeynin dhacdadan foosha xun ee ka dhacday Muqdisho oo aan sinnaba loo yeeli Karin halka xukummadda iyo madaxweynuhu ay maalin walba tacsi u diraan dad iyo dalal aan Soomaaliya shuqul ku laheyn.

Waxaa la isweydiin karaa , madaxda dalka oo ay xitaa wasiiradu ku jiraan , Miyaaney maqal dhacdadan oo ka sokow 35ka idaacadood ee Muqdisho ku taal ay baahiyeen saxaafadda caalamka .

Aamuska dheer ee ay dowladdu gashay ma wuxuu la macno yahay in quursiga dadka ka soo jeeda beelaha jareer, Midhgaan iyo Madhibaan uu yahay mid ilaa heer xukuumad la isku raacsan yahay maadama beelahaa looga tiro badan yahay golayaasha dowladda , maamulka iyo baaralamaankaba.

Halkii lagu waday in si xaqaaani ah loo soo bandhigo lana baaro sababaha go’aan maxkamadeed oo cadna laga qaato ayey bilaabantay in loo ololeeyo qaabab dhowr ah oo lagu soo deyn karo dadka lo ohayo gaboodfalkaas .

Waxaa jira fikrado sheegaya in waxa loogu yeeray AROOS QARAN loo dhigo wiilka iyo gabadha la isu diidan yahay ee dartood loo gubay Axmed mukhtaar..laakin fikirkan oo lagu qaboojinayo laabta kacsan ee dadka ka soooo jeeda beelaha jareer ma noqon karaa wax lagu qanco.

Xilli qof nool la gubay ma imaan karaa aroos qaran, yaa horreynaya in xalka uu ka bilowdo xukunka dilkii dhacay iyo aroos qaran in la tumo, qof barooranayase , alalaas ma loogu bedeli karaa.

Xalka arooska laga raadinayo ma wuxuu noqon karaa mid afka ah mise mid niyadda ah …arrinku sow uma ekaanayo KU QABATAY IYO QADAR ALLA….iyo xal san ka galis ah.

Dadka badankiisu kuma qanacsana sida wax u socdaan , tallaabooyinka dowladdu qaadayna ma aha kuwo ay ka muuqato car cartii looga baahnaa ..arrinkana waxaa lagu wajahayaa si qabow ama in aanwax weyn dhicin oo kale .