Labo Qarax oo ka dhacey hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho

0
215

Labo qarax oo ismiidaamin ah oo u muuqdey in ay ka dambeeyeen dad Soomaaliyeed oo aan dan ka laheyn in la helo nabadgelyo iyo isbedel iyo horumar leh  ayaa waxaa uu ka dhacay hotelka uu ka degen yahay magaalada Muqdisho Madaxweynaha dhowaan la soo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Weerarkan ayaa ahaa qaraxyo ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu  qalqal geliyo howlaha cusub ee dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud waxaana wararka ay sheegayaan in madaxweynaha cusub aanu wax ka soo gaarin isku dayga lagu doonaayo in waxyeeleeyo,.

Ugu yaraan toddoba qof oo ay ku jiraan ciidamada AMISOM, kuwa dowladda Soomalaiya iyo laba ruux oo ismiidaamiyay ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay hoteelka Jaziira oo uu daggan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana qaraxyadaas ku dhaawacmay tiro dad ah oo u badan askarta dowladda Soomaaliya

Qaraxyada ayaa waxa ay ahaayeen labo nin oo isku soo xirey waxyaalaha qarxa iyadoo weli mid kamid ah labada nin uusan qarxin balse meydkisa yuu yaal hotelka banaankiisa., halka mid ka mid ah labada nin uu qarxay.

Weerarkan ayaa dhacay xilli uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wadahadalo la lahaa wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya oo booqasho kuyimid saaka magaalada Muqdisho  Weerarkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee lala beegsado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tobankii bishan loo doortay

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarradan oo noqonaya kuwii ugu horreeyay oo lala beegsado madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kaasoo ay aad u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka

Xafiiska Wararka Idale News Muqdisho

Siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com