Labo Mooshin oo is garab socda oo xildhibaanada Barlamaanka kala taageerayaan oo Muqdisho ka bilowday

0
214

Sida ila hoose ay inoo xaqiijiyeen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iminka u kala jabay 2 Garab , iyagoo u kala qeybsamay Mooshinno kala duwan oo ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Mid ka mid ah Mooshinada ayaa waxaa olalahiisa ugu ballaaran iska leh 2 Mudane oo kala ah Xildhibaan Mahad Max’ed Salaad iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow , kaasi oo ka dhan ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirada ku yimid Magaca Urur diimeedka uu Madaxweynaha ka tirsan yahay ee Dam Jadiid.

Wasiirada ay Xildhibaanadaan doonayaan in warankeeda ay la tuuraan waxa ay kala yihiin Faarax C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada ayaa kulan ay Maanta golaha Shacabka ku yeesheen waxaa mudanayaasha qaar ay taabteen iinta Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya , iyagoo sheegay in loo baahan yahay in Wasiir kasta uu baarlamaanka waaya aragnimada uu u leeyahay howshiisa Baarlamaanka hor keeno iyagana ay go’aan ka gaaraan cidda u qalanta shaqadaasi, taasi oo u jeedada ka dambeysa ay tahay labada Wasiir ee aan kor ku soo xusnay oo howlahooda shaqo dhaliisha ugu badan ay ka taagantahay oo noqday mid gebi ahaan gaabis noqday iyo mid tiisa iyo howlaha kale ay isaga qasmeen sida farta lagu godo.

mooshin

Dhanka kale Mooshin kaasi la mid ah ayaa waxaa Maal gelinaya Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir oo la sheego in uu u Muuqdo Madaxweynaha dalka marka loo eego dhaq dhaqaaqa uu dowladda ku leeyahay.

Mooshinkaan ayaa waxa uu ka dhan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaari  isagoo u ololeenayo in booskiisa uu galo Nin Lagu Magacaabo Xildhibaan Shariif  Max’ed Cabdullaahi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ahna aasaasihii Dallada FPENS islamarkaana ah Malkiilaha Isbitaalka Xanaana ee Magaalada Muqdisho , islamarkaana ka mid ah Masuuliyiinta Hay’adda Bisha Cas ee dowladda qadar laanteeda Soomaaliya.

Xogtaan waxaa inoo xaqiijiyay ilo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan , dhanka kale naga filo Beesha Reer Ow Xasan ee Faarax C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada uu ka soo jeedo oo illaa 19 xubin ku leh dowladda Soomaaliya  Magacyadooda iyo xilalka ay kala hayaan iyo weliba sidooo kale Xubnaha Cali Gaaf ee lafta uu ka dhashay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin oo sii kordhaya

Idale News Online