Sabti, August 06, Mogadishu (INO) – Warar hoose oo IdaleNews Online ay heshay ayaa sheegaaya in la diyaariyey labo jawdal oo ku saabsan xiliga ay dhaceyso doorashada qaran ee dalka Soomaaliya, waxaa haatan miiska wada hadalka shirka Madasha Qaran saaran 2 jadwal oo midkood ay suurtogal tahay in ay madaxdu isla qaataan isla markaaasina ugu sharxaan beesha caalamka dib u dhaca qorshihii doorashada ee la filaayey in ay dalka ka qabsoonto bishaan August, sidoo kale ka codsadaan wakiiladooda gaaf wareegaaya shirka fududeynta dhaqaalaha ku baxayaa doorashada iyo kan sugida amniga guud inta ay doorashada socoto.
Qoraalka 1aad ee doorashada ee la soo bandhigey, miiskana saaran:
– In la soo hormariyo Aqalka Sare, Doorashadiisuna la soo dhameystiro ugu dambeyn Bisha September 25keeda.
– Taariikhda loo qabtey in Doorashada Aqalka Hoose la soo bandhigo waa ugu dambeyn Bisha October 7deeda
– Taariikhda loo qabtey in ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha waa Bisha October 25 keeda.
Jadwalka 2aad ee Doorashada ee Miiska Saaran:
– In la soo hormariyo Aqalka Hoose, Doorashada Aqalka Hoose la qabtaa bartamaha bisha October.
– Taariikhda loo qabtey in Doorashada Aqalka Sare la soo dhameystiro ugu dambeyn dhamaadka bisha October
– Taariikhda loo qabtey in Doorashada Madaxweynaha dhacdo waa Bisha November 21 keeda.
Mid ka mid ah qorsheyaashaan labada ah ayaa la filayaa ugu dambeyn in maanta madaxdu go’aamiyaan, isla markaasna uga iibiyaan beesha caalamka oo hore qoraar uga soo saarey in doorashada aan waqtigeeda dib looga dhigi karin,
Ilaa iyo hadda muranka shirka ka jira ayaa ah 3da xubnood ee aqalka sare loogu darey Somaliland oo beelaha Daarood ee degan Somaliland rabaan in siiyo 3daas xubnood ama ugu yaraan saami ku yeeshaan 11ka xubnood ee la siiyey Somaliland
Xili kastaa waxaa suurtogal ah in wax ka bedel uu ku yimaado jadwal draftiga ah ee haatan miiska u saaran madaxda siyaaasada ee Soomaaliya, Idale News kala soco waxii warar ah oo arrintaan ku soo kordha ama iska bedela.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Mogadishu, Somalia