Labo Beelood oo Ka Tirsan Beesha Raxanweyn oo Ku Dirirey Degaanaka Jawaarey Ee Gobolka Jubbadda Dhexe.

0
253

Wararka Ka imaanaya Degaanka Jaawaarey Ee Gobolka Jubada dhexe ee koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegayaan in halkaasi ay ku dirireen labo maleeshiyo Beeleed oo Walaalo Ah, kuwaasoo wada Degga Degaankaasi.

Labadan Beelood oo walaalaha ah ayaa la soo sheegaya inay ka dambeysay dirirtooda lahaanshaha Warbiyood ku yaala deegaankasi, Dagaalkan oo ahaa mid si kadis ah ku dhacey ayaa lagu soo warameya inuu dhaley khasaarooyin isugu jira dhismasho iyo dhaawac kala gaarey lada Garab.

Wararka waxaa intaasi ku darayaan in halkaasi laga dareemayo, colaad hor leh iyo hub isu aruursi.

 

Mid ka mid ah qurbo joogta Dadka degaankaasi ka soo jeeda ah , isla markaana xariiro dhow la soo sameeyey shackada Idale News online ayaa beeniyay warar Warbaahinta soomaalida qaar qoreen ama isla dhex mareysay oo ahaa in dagaalkaasi uu dhexeeyo labo kooxodo kala tirsan Al-shabaab, balse waxa uu xaqiiqey arin sidaas kaduwan tahay , isla markaana waxa uu si rami ah uu u magacaawey qof isaga si weyn u yaqiino oo laga amgaacwo CISMAAN MOLE kaasoo ku dhintay Dirirtii shalay Dhex martey Beelaha Yantaar iyo Eelaay, Ee Degaanka Jawaarey.

Si kastaba ha ahaatee, qabaa’ilada soomaalida ayaa inta badan waxay ku diraraan Dhul , Daaq iyo waro kuwaasoo ku naf waaya boqol qof aan waxba galabsan

Ugu dambeyntii Degaanka Jaawarey waxa arimiyaha xoogaga islaamiga ahi ee soomaaliye Al-shabab, kuwaasi sheegta inay shareecada Islaamka dadka ku kula saarayaa, islamarkaana dagaal adag ku la jirto dowlad soomaaliya iyo ciidamada AMISON.

Degaanka Jawaarey

Idale News Online, Saakow