Labo Askari oo ka tirsan ciidanka dowlada oo caawa lagu dilay isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

0
209

War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in dableey ku hubeysan bastoolado ay goordhow ku toogteen labo askari isoygska Bakaaraha ee degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Kooxaha dilka geestay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo baaritaan ka sameeyay goobta.

askari

Waxaa sidoo kale jahwareer uu ku yimid isgoyska Bakaaraha, oo ay adeegsadaan baabuur badan waxaana goobta dilka ka dhacay ka socda baaritaan.

Isgoyska Bakaaraha waxa uu ka mid yahay meelaha ugu mashquulka badan caasimada Soomaaliya, waxaana ku yaalla suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Ma ahan markii ugu horreysay oo askar ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilo isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Mogadishu