Kuwait(INO)- Xubin ka tirsan reer boqorka dalka Kuwait oo lagu magacaabo Faisal Abdullah Al Jaber Al Sabah ayaa shalay la dal-dalay isaga iyo lix ruux oo kale. Ninkan ayaa lagu eedeeyay fal dil ah, waxaana sidoo kale laga helay gurigiisa hub aan sharciyeysneyn.
Dadka kale ee la dilay waxay u kala dhasheen Itoobiya, Masar, Filibiin iyo Bangaladhesh
Waxaa loo dilay dambiyo kala duwan oo ay gaysteen waxaana ka mid ah dil, isku day dil, afduubasho iyo kusfsi
Faysal oo qoyska boqortooyada ka mid ah ayaa lagu helay dambi ah in uu dilay qof kale oo qoyska boqortooyada ka tirsan sanadkii 2010kii.
Xubnaha boqortooyada ee horay loo daldalay waxaa ka mid ahaa Nusra al-Enezi, oo reer Kuwayd oo lagu helay dambi ah in ay dab qabadsiisay teendho lagu dhigayay arooska ninkeeda oo xaas labaad guursanayay.
Waxaana halkaas ku dhintay 50 ruux.
Dadka kale la daldalay wakhtigan waxaa ka mid ahaa labo ruux oo shaqaale guri ahaa oo ku kala dhashay Itoobiya iyo Filibiin kuwaas oo lagu helay in ay dileen xubno ka tirsan qoysaskii ay u shaqaynayeen.