Kuuriyada Woqooyi oo gantaal cusub tijaabisay

0
195

Muqdisho (INO) Dalka Kuuriyada Woqooyi ayaa wali ku dhex-jira bandhigiisa uu ku tijaabinaya madaaficda ridada dheer,kaddib markii Sabtidii shalay ay tijaao cusub sameeyeen.

Waxaa lugu sheegay gantaalka ay dowladda Kuuriya waqooyi tijaabisay mid caag ah,wuxuuna ilaa 500km ku duulay badda dhanka Japan, sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed.

Tijaabada joogtada ah ee dalkaas uu ku sameynaayo madaafiicda ridada dheer iyo nukliyerka iyo wararka carada leh waxay digniin u direysaa kana xanaajineysaa dalalka gobolka ku yaalla.

Kuuriyada waqooyi tijaabadii ugu dambeysay waxaa laga sameeyay saldhigga ciidamada ee gobolka Pyongan, ee dhanka gacanta Kuuriya.

Sarkaal ka mid ah militariga Mareykanka ayaa Wakaaladda Reuters ay ka soo xigatay in Washington ay xaqiijin karto inay heleen gantaal laga soo riday dhanka Kuuriyada Waqooyi.

Ugu dambeyntii,Waa tijaabadii ugu horeysay ee ay sameeyaan tan iyo markuu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.