Beesha Gugundhabe oo xukuumada u gudbiyey musharaxooda, kana hor yimid siyaasiyiinta aan matalin beesha in xil loo magacaabo + sawiro

0
353

Kullan aad u ballaaran ay soo qaban qaabiyeen duubabka, waxgaradka, siyaasiyiinta aqoonyahanadda, Culumaau diinka, Dhalinyaradda Beesha Gu-gundhabe ayaa lagu qabtay maanta magaalladda Muqdisho. kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay beeshu aysan raali ka ahayn cid
aysan iyagu si wadajir ah isugu raacin oo loo magacaabo xil.

bayaan ay soo saareen beesha Gugundhabe ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay Nabadoon Nuur Bocor Jeelle, nabadoonka ayaa sheegay in xiligii la qaybsanayay xubnaha baarlamaanka waxaa la yiri xaq ma aha ee waa xal, hadaba qaybtii saa ahayd markasta in lagu salleeyo wasiirdda sax ma ahan.

sidoo kale waxaa ka hadlay madasha kullankaasi Mudane Sheekh Xuseen C/lle Fareey oo ka mid ah Mashaaiqda beesha Gugundhabe waxa uuna
sheegay in beeshu tahay Curudka hawiye ay xaq u leedahahay xubinteedda wasiirnimo ayna iyaga u madax banaan yihiin ayna si buuuxda dhamaan beesha isugu raacsan yihiin in ay xubintoodda wasiirnimo ku aaminayaan Dr Maxamed Cali Ibraahim.

dhanka kale waxa kullankaasi beesha Gugundhabe isugu yimaaddeen ka hadashay Maamo Xaliima Macalim oo iyaddana ka socotay dhanka Bulshadda Rayidka, iyadana waxa ay si waadix ah u sheegtay in ay Madaxwaynaha & Ra iisul wasaaraha ka codsanayaa in ay aqballaan oo aysan soo magacaabin cid aysan iyaga raali ka ahayn ayna isu raacsan yihiin in xilkoodda u qabto Dr Maxamed Cali Ibraahim.

DSC01656 DSC01658 DSC01672 DSC01673 DSC01680 MMM

Idale News Online