Iyadoo wafdiga Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaari uu ka qeybgalaayo shir Madaxeedka Wadamada Afrika iyo Carabta isla markaasna guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka Jeylaani Iikarna uu safar shaqo ku joogo dalka Itoobiya ayaa waxaa suurto galin in kulankii maanta oo arbaco ah la filaayo in barlamaanka codka kalsoonida ugu qaadi lahaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Khilaafkii u dhaxeeyay madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa lagu guuldaraystay in xal diblomaasiyadeed laga gaaro waxayna arintii gaartay car iyo car. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo xildhibaanada iyo ilo wareedyo ka agdhow xafiisyada labada masuul ayaa sheegaya in kulamadii labada masuul yeesheen ay isqancin waayeen Ra’iisulwasaaruhuna uu ku adkaystay in Baarlamaanka lagu kala baxo inkastoo madaxweyne Xasan uu jeclaa in arinta si hoose lagu dhameeyo.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Baarlamaanku fadhiisan doono maalinta Sabtida ah taariikhduna tahay 23/11/2013 iyadoo ajandah ugu muhiimsan kulankaas lagu sheegay inuu yahay xal ka gaarida khilaafka madaxda sare ee dowlada.
Waxaa lagu soo waramayaa inay jiraan xildhibaano abaabulayo mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaare Saacid iyo kuwa kasoo horjeeda inkastoo sida caadadu ahayd markasta ay guulaystaan xildhibaanada wata fikirka madaxweynaha.Mowcidku waa Sabtida iyo Baarlamaanka iyadoo saadaashu ay tahay In muuqato in Saacid tagi waayi doono codka kalsoonida barlamaanka maadaama in ka badan 130 xildhibaan la sheegaayo inay saxiixeen mooshin la rabo in in xilka looga qaado saacid.
Idale News Online