Waxaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada Muqdisho kulan ay iskugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamanka Somalia kaasoo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Jeylaani Nuur Iikar.
Ajendaha looga hadlayey kulanka maanta aya waxaa uu ahaa miisaaniyada sanadka 2013 ee xukuumada oo qoraalo ku saabsan loo qeybiyey xildhibaanada maalmo ka hor, waxaana kulankaas ka qeyb galay wasiirka Maaliyada iyo qorsheynta. Hoolka baarlamanka ayaa waxaa qabsaday mar kaliya Buuq iyo sawaxan ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaanada ay muran badan ka keeneen qaabka loo soo diyaariyey miisaaniyadaas oo ay sheegeen iney tahay mid cadaalad daro ah oo qaladaad badan uu ka muuqdo.
Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan uga jawaabay mudaneyaasha Baarlamaanka dhamaan su’aalihii ay weydiiyeen, isagoo sharraxaad ka ka bixiyey cabashada ay muujiyeen mudaneyaasha Baarlamaanka ee Miisaaniyadda sanadka 2013-ka.