Kulanka Wadatashiga Qaran ee Hindise Sharciyeedka Axsaabta Siyaasadda oo la soo gabagabeeyay

0
175

Muqdisho(INO)— Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa maanta soo gunaanaday wada tashi heer Qaran oo socday saddex maalmood, kaasoo looga tashanayay Hindise Sharciyeedka Qabya Qoraalka Sharciga Axsaabta Soomaaliyeed. 

In ka badan 200 ergo ayaa isugu yimid shirkan, kuwaasoo kala socday bulshada rayidka, ururada siyaasadda, maamulgoboleedyada, xildhibaanadda golaha shacabka, wasiiro iyo wakiilo ka socda Dowladda Federaalka ah.

Wadatashigan oo qeyb ka ahaa wadatashiyo socday oo lagu qabtay dalka qeeybihiisa kala geddisan, ayaa wuxuu qeyb ka ahaa dadaal ay Wasaaraddu dooneysay in lagu soo aruuriyo tallooyinka iyo afkaarta bulshada qeybaheeda kala duwan si loo meelmariyo hindise sharciyeedkan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda wadatshigan iyo sidii loo meelmarin lahaa xeerka axsaabta.

“Sharcigan wuxuu laf-dhabar u yahay hanaanka aan dooneyno inaan ku talaabsanno, oo ah sidii dalka loo gaarsiin lahaa nidaam dimuqraadi iyo xisbiyo qaran oo ku tartama aragti siyaasaddeed oo hormarisa dalka iyo dadka” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan.

Wadatashigan ayaa waxaa door buuxa ka qaatay ka-soo-qeybgalayaasha, kuwaas oo soo jeediyay tallooyin wax-ku-ool ah oo ku aadan dhameystirka hindise sharciyeedka. Waxay si gaar ah u tilmaameen in la waafajiyo xeerka axsaabta shuruucda dalka u degsan si loo xaqiijiyo xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda. Sidoo kale ka qeybgalayaashu waxa ay ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay in la tixgeliyo hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ku meel gaarka ah si loo dhameystiro sharcigan.

Tallooyinka ka soo baxay wadatashiga ayaa loo adeegsan doonaa sidii loogu biirin lahaa hindise sharciyeedkan ka hor inta aan loo gudbin golaha Wasiirada si kadib loogu sii gudbiyo baarlamaanka.

Wasaaradda ayaa lagu wadaa inay xeerkan u gudbiso golaha Wasiiradda, ka hor intaan loo gudbin Baarlamaanka, waxaana hoosta laga xariiqay sidii loo soo dhameystiri lahaa shuruucda kale ee loo baahan yahay, sida federaaleynta, doorashooyinka iyo xeerarka aassaasiga u ah sidii dalka loogu soo dabaali lahaa xasilooni siyaasaddeed, nabad iyo horumar la taaban karo.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here